4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 24, 2016
Kooxo hubeysan oo Muqdisho siyaabo kala duwan ugu dilay Sarkaal ka tirsan Millateriga iyo Askari


Arbaco, August 24 2016 (HOL) – Kooxo hubeysan ayaa maanta siyaabo kala duwan ugu dilay Muqdisho Sarkaal sare oo ka Tirsanaa Ciidanka Millateriga Soomaaliya iyo Askari ka tirsan ciidamada ciidanka booliiska Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray, Yaxye Aadan Cali ayaa waxay lagu dilay saakay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir, iyadoo kooxihii dilay oo ahaa kuwo ku hubeysan bastoolado ay si fudud goobta uga baxsadeen.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkan la toogtay xilli uu ku socday shaqadiisa, isla markaana ma jirto cid loo qabtay dilkiisa, mana jirto hadal ay dilka sarkaalkaan ay ka soo saareen hay’adaha amniga dowladda Somalia.

Dhanka kale, Askari ka tirsanaa ciidanka booliiska Somalia ayaa lagu dilay maanta gudaha suuqa bakaaraha ee Muqdisho, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay askari kale oo ka tirsan ciidanka canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Xamar.

Askartan ayaa waxaa weeraray lix nin oo bastoolado ku hubeysanaa, iyadoo askar kale oo la socday Askariga la dilay iyo kan la dhaawacay ay iyaguna Toogasho ku dileen mid ka mid ah kooxihiii hubeysnaa ee dilka geystay, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane.

Ugu dabmeyn, Qof ayaa ku dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii xalay kooxo hubeysan weerar bambaano ku weerareen Guri uu deggenaa wasiir u dowlaha gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa iyo Xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya