4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 24, 2016
Muqdisho -Weeraro Dhimasho iyo Dhaawac Geystay

Arbaco, Agoosto 24, 2016 (HOL)-Sargaal katirsanaa Wasaarada Gaashaandhigga ayaa maanta toogasho lagu dilay Muqdisho.

Dabley hubeysan ayaa toogasho ku dilay sargaalkaa. Sargaalkaa ayaa ka tirsanaa saraakiisha sarsare ee Wasaarada Gaashaandhigga. Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyay in dabley heybtooda aan la garanayn ay toogteen sargaalka kuwaas oo ay usuurta gashay inay goobta ka baxsadaan. 

Wararka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale Muqdisho xalay dhowr weerar oo kale ay ka dhaceen.

Weerar kale ayaa waxaa dabley aan heybteeda la aqoon ku bartilmaansadeen Waziiru Dawlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa.

Labo bam gacmeed ayaa ay kutuureen dableydu guriga Mudane Xagaa oo kuyaala xaafada Xamarweyne.

Waxaa usuurta gashay in dadkii falka geystay ay goobta ka baxsadaan. Afar qof ayaa ku dhaawacmay markii hore laakiin mid ayaa dhaawacyadii soo gaaray u dhintay kadib markii isbitaal loola cararay.

Qofka dhintay ayaa rayid ahaa 3da dhaawacaana waxaa ay ka tirsan yihiin ilaalada waziiru dawlaha.

Booliska ayaa sheegay inay dad ay tuhmeen ay qabteen oo weeraradaa ay uga shakiyeen haatana ay baarayaan.

Dabley ayaa degmada Dharkeenley ku dilay sargaal ka tirsanaa militariga oo la oran jiray Yaxye Aadan.

Dabley ayaa iyana Bakaaraha ku dilay hal askari hal kalena dhaawacay. Askar ayaa dilay mid ka mid ahaa dableyda.

Ilaa iyo hada wax la tuhunsaneyaal ah looma soo qaban dhacdooyinkaa ka dhacay Dharkeenley iyo Bakaaraha.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]