4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 24, 2016
Dhul-gariir Khasaare badan geystay oo ka dhacay Bartamaha Dalka Talyaaniga


Arbaco, August 24 2016 (HOL) – Ugu yaraan 60-qof ayaa ku dhintay Dhul-gariir weyn oo Maanta ku dhuftay bartamaha Dalka Taliyaaniga, waxaana la la’yahay in ka badan 150-qof oo kale.

Dhul-gariirka oo cabirkiisa lagu sheegay 6.2, ayaa wuxuu ruxay dhul cabirkiisu uu yahay 10-km, isagoo ka dhacay meel Koonfur bari kaga began Magaalada Norcia, Waxaana laga dareemay meelo badan oo ka tirsan gobolkaas oo qiyaastii 150-km u jira Magaalada xarunta ah ee Roma.

Sidoo kale, Dhul-gariirkan ayaa wuxuu si ba’an u saameeyay magaalooyin kale oo lagu kala magacaabo, Amatrice iyo Accumoli. Wuxuuna burburiyay dhismaal aad u badan, iyadoo samata-bixinta dadka la la’yahay ku hawlan shaqaalaha gargaarka.

Gobolka uu ka dhacay Dhul-gariirkan oo lagu magacaabo, Umbria ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada caanka ku ah dalxiiska, waxaana markii uu dhul-gariirkaani dhacayay ku sugnaa dalxiisayaal fara badan.

Ugu dambeyn, Dhul-gariirkaan, wuxuu dhacay 9:30 subaxnimo ee Maanta, sidoo kalena waxaa xigay dhawr ruxitaan oo ahaa kuwo koo-kooban, inkastoo aysan wax khasaare ah geysan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya