Dibad-baxyo looga soo Horjeedo Booliska Canada oo lagu Qabanayo lix magaalo oo ku yaala dalkaas
Arbaco, Agoosto 24, 2016 (HOL)-Hal
bil ayaa laga joogaa markii uu geeriyooday Cabduraxmaan Cabdi oo dilkiisa lagu
eedeeyay booliska Canada ,waxaana la qorshaynayaa dibad-baxyo hor leh oo
arintan looga soo horjeedo in ay ka dhacaan magaalooyin ka tirsan dalkaas.
Dhaqdhaqaaq-qa
u dooda dadka Madowga ah ee Black lives Matter iyo urarrada kale ee lamidka ah
ayaa dibad-baxyadan diyaarinaya ,waxaana lagu qaban doonaa lix magaalo oo
ku yaala Canada oo ay ku jiraan Ottowa
,Hamilton Kitchener, Winnipeg, iyo waliba Edmonton.
Dibad-baxa
ka dhici doona magaalada Ottowa ayaa lagu wadaa in dadweyne fara badan ay isugu yimaadaan jidka Elgin ee ka soo hor-jeed-da xarunta weyn ee boolisku ay ku leeyihiin magaalada
Ottowa.
Qaban-qaabiyayaasha munaasabad-dan
ayaa sheegay in mas’uuliyadda dilka C/rixmaan ay qaadi doonaan dadkii ku lug
lahaa ,waxaana ay dalbadeen in Dave Weir iyo Daniel Montison oo loo haysto in
ay iyagu fuliyeen dilkan cadaalladda la mariyo.
C/rixmaan
Cabdi oo 37-sano jira ahaa ayaa geeriyooday maalin isniin ah 25 bishii la soo
dhaafay ka dib markii askar ka tirsan booliska Canada ay xireen ,waxaana
qoyskiisa ay sheegeen in 45- daqiiqo ka hor loo soo sheegay geeridiisa ka hor
intii aan cisbitaalka la dhigin.
Ugu
danbayn booliska Canada ayaa iska fogeeyay eedayntan waxaana ay sheegeen in
Cabdi la soo xiray xilli uu rabshad ka abuurayay mehrad ku taala wadada Wellington ee Ottowa , waxaana hadalka booliska shaki la
galiyay ka dib markii baraha bulshada la soo dhigay Cabdi oo aad u dhiig baxaya
,iyada oo ay gacmaha ka xireen labo ka tirsan booliska magaaladas.
Fayal M.Hassan
[email protected]