4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 24, 2016
Wasiir katirsan Jubaland oo sheegay Kenyan inay qarax ka geysteen Soomaaliya

 

Arbaco, Agoosto 24, 2016 (HOL)-Xukuumada kumeel gaarka ah ee Jubaland ayaa sheegtay inay Kenya ka saacideyso xogta kusaabsan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wafdi kasocday Jubaland oo uu hoggaaminaayay Wasiirka Amniga Jubaland Cabdirashiid Xassan C/Nuur ayaa shalay la kulmay guddoomiyaha Mandheera, Fredrick Shisia. Waxay ka wada hadleen arimaha ammaanka xadka.

Shir ay wada qaateen ayaa wasiirku sheegay in dad Kenyan ah ay dhawaan ka dambeeyeen weeraro waaweyn oo ka dhacay Muqdisho.

“Waxaa jira in Kenyan ay kujireen Yuusuf Cabdi iyo Isaaq Gola ay weeraro ka geysteen Soomaaliya lana dareemi karo saameyntooda labada dalba.” Wasiirka ayaa sidaa yiri.

Wuxuu kaloo sheegay weerar hoteel lagu qarxiyay Muqdisho dhawaan in uu ka dambeeyay ninka Kenyanka ah ee lagu magacaabo Issack Ibraahim Dyati.

“Argagixisadu Soomaaliya kaliya kama timaado ee meel walba waa tuuran tahay,” intaa ayuu raaciyay.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in Kenya iyo Soomaaliya ay leeyihiin cadaw isku mid ah.

Wasiirka ayaa ku baaqay in iskaashi ay Kenya iyo Soomaaliya ka yeeshaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Dawlada Kenya hada waxay isku dayaysaa inay u ogolaato dawlada Soomaaliya hayadaheeda dawlig ah inay isticmaalaan jidadkeeda markay usocdaan Ceelwaaq Soomaaliya si ay uga fogaadaan Ceel Cadde oo xarakada Shabaab ku badan yihiin maleeshiyaadkeedu.

“Midkeenba midka kale wuu aaminsan yahay waxyaabo badan oo wanaagsan ayaana soo socda hada oo dawlada Jubaland  ay xoojinayso nidaamyadeeda ,” sidaa ayuu yiri Fredric Shisia.

Wuxuu intaa raaciyay in daris xasilloon uu amniga guud ee dalalka dariska ah u roon yahay.

Maamulka Buula Xaawo oo ah magaalada ku dhaggan Mandheera ayaa kala shaqeeya Kenya ammaanka xadka.

Si kastaba ha ahaatee deegaanada Lafey iyo Ceelwaaq ayaa Al-Shabaab ay weeraro ka geysatay dhawaan.

Mr Shisia ayaa sidoo kale sheegay in deegaanada kale ee saamaynta weeraradu gaareen ay yihiin Mlima Fisi, Omar Jillo, Fino, Damasa, Elrhamu iyo Elwak.

Wuxuu ugu baaqay in hoggaamiyeyaasha cusub ee Jubaland ay aslaaxiyaan xadka min Mandheera ilaa Lamu.