4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 24, 2016
Kenya: Xarun koronto oo laga dhisay Dhadhaab oo dhaqaalaha wax tari doonta

Arbaco, Agoosto 24, 2016 (HOL)-Xarun koronto oo dhawaan laga dhisay Dhadhaab ayaa la filayaa inay wax tari doonto ganacsiga iyo dhaqaalaha degmada Garissa oo Dhadhaab ay ka tirsan tahay.

Xaruntaa ayaa waxay uga faaiideyn doonta korontada ilaa 200 oo kun oo qof. Barnaamijkaa ayaa qeyb ka ah mashruuca koronto galinta miyiga ee dawlada Kenya ama Rural Electrification Programme kaasoo ay UNHCR gacan kusiisay dawlada.

Waxaa masruucaasi ku kacayaa adduun lacageed oo dhan 200 oo milyan oo shilin Kenya ah.

Dawlada ayaa sheegtay in xaruntaa ay koronto usoo deyn doonto Dhadhaab qeybo ka tirsan oo iskoolo ay kujiraan bisha soo socota.

Intaa waxaa dheer inay xaruntaasi koronto siin doonto goobo ganacsi oo deegaanka Dhadhaab ka tirsan sida ugu dhaqso badan kadib markii ay maalgalin ka hesho Baanka Adduunka/World Bank.

Barnaamijkaa ayaa ganacsiga kasokow sida warbixintaan laga dheehan karo wuxuu qeyb ka qaadanayaa horumarinta waxbarashada.

Dhanka ganacsiga ayaa waxaa la filayaa inuu barnaamijku wax taro isla markaana sare u qaado ganacsiyada yaryar.

Dawlada Kenya ayaa laga soo xigtay in kani yahay wajigii 1aad ee mashruuca kiisa labaadna koronto lagu galin doono deegaanada Faafi iyo Koofurta Wajeer.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]