4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 24, 2016
Dagaallo Khasaare badan geystay oo Al-shabaab iyo ciidamada DF Somalia ku dhexmarya Bakool


Arbaco, August 24, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 18-qof ayaa ku geeriyooday dagaallo labadii casho ee lasoo dhaafay ka socday deegaanno ka tirsan gbolka Bakool, kuwaasoo u dhexeeya ciidanka dowladda Somalia iyo qaar ka mid ah xoogagga Al-Shabaab.

Dagaaladan ayaa ka dhacay deegaanka Moora-gaabey oo ku dhaw Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, iyadoo khasaaraha uu u badnaa labadii dhinac ee dagaalku u dhexeeyay.

Guddoomiyaha Degmada Xudur, Maxamed Macallin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Somalia ay ka dhimatay sideed Askari, halka uu sheegay inay Al-shabaab ka dileen 10 dagaalyahan, hubna ay kaga furteen dagaalka.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda ay wadaan Hawl-gallo la isugu furayo Deegaannada gobolka Bakool, isla markaana ay Al-shabaab ka saarayaan deegaannada ay ku sugan yihiin.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Xudur ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Somalia iyo maamulka Koofur-galbeed inay ku gacan siiyaan Dagaalka ay ku jiraan oo ay ku Xoreynayaan Deegaannada Gobolka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya