4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 17, 2016
Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur oo ku geeriyoodey dalka Turkiga

Arbaco, August 17, 2016 (HOL) - Alle ha u naxariistee Ugaas C/laahi Ciise Nuur oo ka mid ahaa madaxda dhaqanka ee Gobolka Sool ayaa ku geeriyoodey wadanka Turkiga sida ay HOL u xaqiijiyey Garaad C/salaan Xasan Maxamed.

Ugaaska oo ka mid ahaa madaxda dhaqanka ee gobolka Sool ayaa ka mid ahaa madaxda dhaqaka ee aadka ugu firfircoonaa hawlaha islaaxinta bulshda.

Ugaaska ayaa waxa uuka mid ahaa Ciidamadii Dawlada Soomaaliya oo uu ka gaadhey derejada G/sare, waxaanu markii u danbaysey ahaa Taliyaha ciidanka Nabadsugida Gobolka Mudug, ka hor intii aan loo garan inuu noqda Madax-dhaqameed sanadkii 1994tii.

Madaxda Dhacanka ee ku sugan tuulada Dhumay oo dhacda galbeedka degmada Laascaanood una jirta 45KM. ayaa tacsi u diray umadda Soomaaliyeed, dadka SSC iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka tegey Alle haw naxariistee Ugaas C/laahi Ciise Nuur.

Sidoo Kaale waxaa magaaladda Buuhoodle warsaxaafadeed ay ku qabteen maamulka Khaatumo ay tacsi u direen Bulshada degaanka iyo umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo Cabdalla Cagalule oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in miisaan culus uu ka baxay bulshada reer Khaatumo, cawil khayr qabana waa rajeeyey.

Geerida Ugaaska ayaa tii labaad ee degaankan soo food Saarta labadii bilood ee la soo dhaafay iyadoo uu horey u geeriyoodey Garaad Abshir Saalax oo isaguna ku dhintay dalka Turkiga.