4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 17, 2016
SAWIRRO: Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha Somaliland oo lagu soo dhaweeyay Laascaanood


Arbaco, August 17, 2016 (HOL) — Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ee dhawaan la magcaabay Yaasiin Maxamuud Xiir ayaa soo gaadhey magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.

Wasiirka oo soodhoweyntii ugu balaadhnayd loogu sameeyey degaanka Guumeys oo 70KM. waqooyi kaga aadan magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale Wasiirka ayaa degaanadda Yagoori iyo Cadhi-cadeeye ay dadweynaha ku dhaqani u sameeyeen soo dhoweyn, waxaanu dadka degaanadaasi mahadcelin soo dhoweynta kadib u balan qaaday inay ka fishaan waxqabad.

Yaasiin Maxamuud Xiir oo magaaladda Laascaanood kulahadlay ayaa waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in safarkiisa ugu horeeyey uu ku yimid magaalada Laascaanood iyo Gobolka Sool.

Wuxuu Wasiirku intaas ku daray in wixii tabasha ah ee bulshada deganku tabanayeen maanta loo soo jeestey, waxaanu sheegay in uu si buuxda ugu warami doono.

Safarka Wasiirka oo ah mid ka hormaray xilwareejintii wasaaradda loo magcaabay ayaa hadalhayn badani ka soo yeedhaysaa, waxaanay dadka qaar ka mid ahi ay sheegayaan in wacyigelinta diiwaan gelinta uu u yimi oo maalmo yar ka hadhsan yihiin. rs

Ugu dambeyn, Dadka qaar ayaa iyaguna waxa ay sheegayaan in uu gogol-xaadh u yahay wufuud heer madaxweyne ah oo dhawaan soo gaari doona gobolka Sool.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool