4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 17, 2016
SAWIRRO: Deeq Lacageed oo Maanta loo Qaybiyay Carruur Agoon ah oo ku dhaqan Baladweyne


Arbaco, August 17, 2016 (HOL) — Caruurrtaan Agoonta ah, waxay ka mid yihiin Qaybaha bulshada kuwooda ugu sii nugul, madaama ay uga duwan yihiin caruurta inteeda kale in ay waayeen mid ka mid ah Labadooda waalid ama laga yaabo in Qaarkood aysan laheyn Aabbe iyo Hooyo, Taas oo ka dhigtay kuwo nolasha ku ciilan.

Haddaba illaa 80 carruur ah oo ka mid ah Agoonta ku dhaqan Beledweyne, ayaa waxaa maanta la gaarsiiyay deeq lacageed oo ka timid jaaliyada Soomaliyeed ee dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Los Angels.

Guddoomiyaha ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan Max'ed C/llaahi Buuraale [Raaxeye] oo warbaahinta kula hadlay goobta lacagta lagu qeybinayay ayaa HOL u sheegay in caruurtan laga soo xulay xaafaddaha magaalada, isaga oo sheegay in ilmihiiba la siiyay lacag dhan [800.000 oo kun oo shil Soomaali ah] oo u dhiganta [$ 32 doolar], taasoo ugu yaraan muddo labo cisho ah wax weyn ka tari karta nolashooda.

Sidoo kale, Buuraale, ayaa gaar ahaan u mahad celiyay shaqsiyaadkii iska xil saaray soo ururinta lacagtan, isaga oo dhinaca kale ku baaqay in caruurta noocan oo kale ay wanaagsanaan laheyn in loo sameeyo goob lagu xanaaneeyo.

Ugu danbeyntii, in badan oo ka mid ah caruurta agoonta ah ayaa ku dayacan Deegaanno Soomaalidu degto, kuwaasoo waayay xanaannadii ay baahida u qabeen, walow hinaca kale ay jiraan xarumo lagu xanaaneeyo caruurta oo ah kuwo aan dabooli karin baahiyaha kala duwan oo ay qabaan caruurtan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya