4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 17, 2016
SAWIRO: Siilaanyo oo ka Qayb-galay xaflada 682 Arday oo ka Qalin-jabiyay Jaamacadda Camuud

Arbaco, August 17, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka Qayb-galay dufcaddi 15aad ee ka qalinjabiya jaamacadda Camuud, Waxaana ka Qalin-jabiyay, Arday dhan 682 Arday.

Xafladan ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiin kala duwan, hoggaanka dhaqanka iyo waalidiin tiro badan, waxaana hadalo dardaaran u badnaa kasoo jeediyeen, qaar ka mid ah waalidiintii ku sugnayd halkaas, maamulka Jaamacada oo uu ugu horeeyo Prof Saleebaan Cabdi Guuleed, Gudoomiyaha ahna Murashaxa Xisbiga Kulmiye, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Xubno ku hadlaayey Afka Ardayda Jaamacada iyo Gudoomiyaha Cusub ee Hay'adda Shaqaalaha oo isagu halkaasi ka jeediyey khudbad ay la dhaceen Ummaddii halkaasi ku sugnayd, isagoo gudoomiyuhu Ardaygii Gudoomiyaha u ahaa Ardayda Baxday Sanadkan ka shaqaalaysiiyey Madaxtooyada Somaliland, Xusayna in Shan Sanno ka hor isaga uu Madaxweynuhu ka qaatay Isla jaamacadaasi isagoo ahaa gudoomiyihii Ardaydii wakhtigaasi baxday, balse uu maanta ku soo noqday isagoo ah Gudoomiyaha Hay'da ugu saraysa dalka marka laga hadlaayo dhinaca shaqaalaysiinta dalka iyo xuquuqda shaqaalahaba, taa abaalkeediina uu ku guddi doono daacadnimo iyo cadaalad uu u sameeyo da'a yarta iyo dadka tirsanaya in ay cadaalad daro ku waayeen aqoontooda ay soo barteen.

Wasiirka madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo ka mid ahaa wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan xadayn doonaan dhulka jaamacadaasi oo magaaladii ku fiday.

"Jaamacadda Camuud waa meel aqooni taalo, waa manbaca iyo beerta ay ka soo baxaan haldoorada iyo hogaamiyeyaasha qarankani, waa meesha uu ka soo baxay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waa meesha uu ka soo baxay Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, iyo rag farobadan oo caan ka ah saaxada siyaasada Somaliland."ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Waxaanu intaas ku daray " Madaxweynaha Somaliland waxa uu Jaamacada Camuud u balan qaaday oo Wasaarada madaxtooyada ee aan madaxda ka ahay ay fulin doontaa wadooyinka Jaamacada dhexdeeda in la dhiso oo marmar qurux badan lagu sameeyo, waxa kale oo aanu gacan weyn ka gaysan doonaa wadada Jaamacada Camuud tagta qaybta aan laamiga ahayn ee go’an sidii loo samayn lahaa, Madaxtooyo ahaan gacan wayn ayaanu ka gaysan doonaa. maaha markii ugu horaysay ee tan iyo intii madaxweyne Siilaanyo uu talada dalka haaneeday Jaamacada Camuud mashaariic badan ayaa laga fuliyey, Xukuumaddu gacan qabasho wayn ayey u gaysatay, waanan sii wadi doonaa taageeradeeda iyo jaamacada kale ee dalka."

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo oo soo afmeeray xaflada shahaadooyinna gudoonsiiyey Ardaydii ka qalinjebisay Jaamacada Camuud ayaa yidhi "Farxad weyn ayey ii tahay in aan xafladan qalinjebinta ardayda intaa tirada leeg in aan idin kala soo qaybgalo ee Jaamacada Camuud, Waxan hambalyo balaadhan u dirayaa oon leeyahay Hambalyo Macalimiinta, Ardayda Qalinjebinaysa, Waalidkood iyo dhamaan shaqaalaha Jaamacada ee ku hawlanayd soo saarista Ardaydan qiimaha badan waxanan leeyahay aad iyo aad ayaan idinku hambalyeynayaa. Jaamacada Camuud waxa yaalaha ay qabatay waa waxyaabo dadkeena iyo dalkuba ku wada faanayo oo aynu gidigeen kuwada faanayno oo aynu markhaati uga nahay inay qiimo weyn iyo magac weyn iyo sharaf weyn qaranka u tahay, Annagana waxa weyn bay noo tahay waxa aanu jidkaa u soo marnay waa taa Ilaahay waxan ka baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo, Waxanan idin leeyahay mar kale Hambalyo Hambalyo Hambalyo Ilaahay garabkiina ha galo, guushana ha idin waafajiyo".

Dhinaca kale, wuxuu madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhisme balaadhan oo ay wasaaradda Maaliyadu ka dhistay gobolka Awdal gaar ahaan magaalada Boorama, halkaasoo noqon doonta xarunta wasaaradda maaliyada ee gobolka Awdal.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed, ayaa sheegay in sanadkan ay ka qalinjabinayaan arday ka badan 682 Arday, kuwaas noqonaya dufcaddii 15aad ee jaamacadda ka qalinjabisay.

Ugu dambeyn , Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta sare C/laahi Ibraahim Habanne iyo masuuliyiinta.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland