4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 17, 2016
SOMALILAND: Kumanaan shaqaalaha rayidka ah ee Xukuumadda ka tirsan oo loo furay tababar


Arbaco, August 17, 2016 (HOL) — Tiro gaaraysa 15,000 oo ah Shaqaalaha Rayidka ah ee Somaliland ayaa loo furay Tababarro socon doona muddo hal sano ah, waxaana tababarkan maamulaysa Hay'adda Shaqaalaha Rayidka ah ee Xukuumadda Somaliland.

Kumannaankan shaqaalaha ah, ayaa u shaqeeyaan xukuumadda, waxaana tababarkan loogu qaybiyay min laba casho si loo helo fursadda ugu Wada-qaybtaan tababarkan shaqaalaha rayidka ah ee Somailland.

Tababarkan ayaa wajigiisa koowaad wuxuu shaqaalaha uga furmay xarunta Somaliland ee Hargeysa, iyadoo la barayo muddada uu Tababarkaani socdo sidii ay shaqadooda ugu gudan lahaayeen si hufan.

Sidoo kale, Shaqaalahan ayaa waxaa la isku raaciyay sida ay u yihiin shaqo-wadaagga, Waxaana inta uu socdo ay baran doonaan La-dagaallanka musuq-maasuqa iyo dhiirri-gelinta shaqada.

Agaasimaha Hay’adda Shaqaalaha Xukuumadda Somaliland, Axmed Siciid oo ka Hadlay Furitaankii tababarkan ayaa sheegay inay billow u tahay qorshayaal ku aaddan tayeynta shaqada iyo shaqaalaha Somaliland.

"Tababarkan furmaya wuxuu socon doonaan laba maalmood waxayna tahay ujeedka inaanu tayeyno shaqaalaha, si aynu uga qayb-qaadanno xoojinta iyo horumarinta shaqada Qaranka," ayuu yiri Axmed Siciid.

Maxamed Mixile Boqorre oo isaguna horay madax uga soo noqday hay'adda shaqaalaha Xukuumadda Somaliland, isna sheegay in hadafka tababarkan loo qabtay ay tahay in la is xusuusiyo shaqadu waxay tahay.

"Qof walba oo shaqaale ah waxaa laga doonayaa inuu si dhab ah oo hufan u guto waajibkiisa. Sababtuna waa in la ogaado tayada shaqada iyo qaabka ay shaqaaluhu u gutaan, lana baro hababka ugu fuudud ee ay shaqadooda mar walba u gudan karaan," ayuu yiri Milixle.

Ugu dambeyn, Shaqaalaha Xukuumadda Somalia u diiiwaan-gashan, ayaa ah 15,000 oo qof, kuwaasoo si toos ah mushaar loo siiyo, waxaase wararku ay intaas ku darayaan inay jiraan shaqaale aan diiwaan-gashanayn oo mushaar ka qaata xukuumadda Somaliland.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya