4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 17, 2016
Ciidamada Jubaland iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay deegaano hoostaga Kismaayo
Arbaco, Agoosto 17, 2016 (HOL)-Dagaal culus oo u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada Jubaland ayaa saaka gelinkii hore ka qarxay deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 45 km dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo.

Dagaalkan oo ka dhashay kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Jubaland ay weerar ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in ay saaka soo gaareen deegaanka Cabdalla Biroole, waxaana labada dhinac dhex maray dagaal xooggan.

Dagaalkan oo ahaa mid qaatay saacado badan ayaan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac, mana jiraan warar xog ogaal ah oo qeexaya dagaalka iyo saameynta uu yeeshay.

Magaalada Kismaayo ayaa saaka laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana la arkayay gaadiid dagaal oo ku qulqulaya deegaanada dhanka galbeed kaga began Kismaayo oo ah halka ay labada dhinac ku dagaalameen.

Taliyaha ciidamada Jubaland Aadan Max’uud Ibraahim (Aadan Goojaar) oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ka bixiyo weerarka, isagoo sheegay in uu dib ka faahfaahin doono.

“Howlgallada saaka wax faahfaahin ah hada kaama siin karo, dib ayaan ka sheegi doonnaa,” sidaa waxaa yiri Taliyaha oo aan qadka teleefonka kula xiriirnay.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkii u danbeeyay ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo garab ka helaya dowladda mareeykanka ay howlgallo qorsheeysan la beegsanayeen saldhigyada ay Al-shabaab ku leedahay deegaanka Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.