Arbaco, Agoosto 17, 2016 (HOL)-Dagaal culus oo u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada Jubaland ayaa saaka gelinkii hore ka qarxay deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 45 km dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo.
Dagaalkan oo ka dhashay kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Jubaland ay weerar ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in ay saaka soo gaareen deegaanka Cabdalla Biroole, waxaana labada dhinac dhex maray dagaal xooggan.
Dagaalkan oo ahaa mid qaatay saacado badan ayaan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac, mana jiraan warar xog ogaal ah oo qeexaya dagaalka iyo saameynta uu yeeshay.
Magaalada Kismaayo ayaa saaka laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana la arkayay gaadiid dagaal oo ku qulqulaya deegaanada dhanka galbeed kaga began Kismaayo oo ah halka ay labada dhinac ku dagaalameen.
Taliyaha ciidamada Jubaland Aadan Max’uud Ibraahim (Aadan Goojaar) oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ka bixiyo weerarka, isagoo sheegay in uu dib ka faahfaahin doono.
“Howlgallada saaka wax faahfaahin ah hada kaama siin karo, dib ayaan ka sheegi doonnaa,” sidaa waxaa yiri Taliyaha oo aan qadka teleefonka kula xiriirnay.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkii u danbeeyay ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo garab ka helaya dowladda mareeykanka ay howlgallo qorsheeysan la beegsanayeen saldhigyada ay Al-shabaab ku leedahay deegaanka Jubooyinka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Ciidamada Jubaland iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay deegaano hoostaga Kismaayo
More News
- Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur oo ku geeriyoodey dalka Turkiga
- AKHRISO: Kulan u soo xirmay Guddiyada Doorashooyinka Federaalka iyo Maamul-goboleedyada
- SAWIRRO: Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha Somaliland oo lagu soo dhaweeyay Laascaanood
- SAWIRRO: Deeq Lacageed oo Maanta loo Qaybiyay Carruur Agoon ah oo ku dhaqan Baladweyne
- SAWIRO: Siilaanyo oo ka Qayb-galay xaflada 682 Arday oo ka Qalin-jabiyay Jaamacadda Camuud
- SOMALILAND: Kumanaan shaqaalaha rayidka ah ee Xukuumadda ka tirsan oo loo furay tababar
- Dawlada Turkiga oo cafis u fidisay kumanaan maxaabiis ah
- FBI-da Maraykanka oo Baaritaan ku Bilowday weerar toogasho ah oo lagu qaaday shan Qof oo Soomali ah
- Askar ka Tirsanaa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo lagu Xukumay Xabsiyo kala duwan
- Bandhigga buugaagta ee caalamiga ah oo saaka ka furmaya Muqdisho
- Xildhibaanada baarlamanka federaalka Somalia oo Maanta yeelanaya Kulankoodii u Dambeeyay
- Masuul ka tirsan dawlada Kenya oo uga digay dadka degmada Garissa qarinta qaxootiga
- Xaalad Nololeed oo xun oo soo wajahday qaxootiga kusugan Giriiga