4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 17, 2016
Dawlada Turkiga oo cafis u fidisay kumanaan maxaabiis ah

Arbaco, Agoosto 17, 2016 (HOL)-Dawlada Turkiga ayaa sheegtay inay cafis u fidisay kumanaan maxaabiis ah kuwaasoo haatan kujira xabsiyada Turkiga.

Lama oga sababta dhabta ah ee maxaabiistaa loo cafiyay laakiin ilo wareedyo ayaa sheegaya in dawlada Turkigu dooneyso inay boosas ama nafis uga hesho xabsiyada dad badan oo dhawaan la xiray kadib afgambigii dhicisoobay.

23000 oo qof ayaa dhawaan la xiray kadib markii lala xiriirshay afgambigii dhicisoobay kaasoo dhacay bartamihii bishii Luuliyo.

38 kun oo qof ayaa haatan dawlada Turkigu sheegtay inay xabsiyada kasii deyneyso. Dadkaa ayaa badankoodu waxay dhammeysteen kala bar muddadii xabsiga lagu xukumay.

Dawlada Turkiga ayaa sheegtay in cafis sharafeed loo fidinaayo dhammaan dadkaa.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa aan dadkaa kujirin wixii galay dambiyo waaweyn sida dambiyada dilka.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]