4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 17, 2016
FBI-da Maraykanka oo Baaritaan ku Bilowday weerar toogasho ah oo lagu qaaday shan Qof oo Soomali ah

/images/2016/Aug/
Arbaco, Agoosto 17, 2016 (HOL)-Laanta danbi baarista Maraykanka ee FBI-da ayaa ku soo biirtay baaritaanka lagu hayo weerar qorshaysan oo laba bilood ka hor lagu qaaday Somali ku socotay taraawiixda ,taasi oo sababtay dhawaca dhowr qof oo ka tirsanaa Somalidan.

Arintan ayaa dhacday ka dib markii nin hubaysan uu rasaas oodda kaga qaaday xili ay ku jireen gudaha gaarigooda ,waxana jirta suurtagal-nimada ah in weerarkan uu salka ku hayo Islaam nacaybka oo ku soo xoogaysanaya gudaha Maraykanka.

Booliska magaalada Minneapolis ayaa sheegay in weerarkan lagu qaaday shan qof oo Soomali ah dhamaandkii bishii June .waxaana weerarkan loo xiray Anthony Sawina oo ah 26-jir horey u galay danbiyo ay kamid yihiin ka ganacsiga hubka .

Eedaysanahan ayaa la xiray seddex asbuuc ka dib markii uu weerarka dhacay ,waxaana hadda uu ku xiran-yahay xabsiga ka dib markii qaadiga maxkamadda Hennepin uu ku xukumay danbiyo uu qayb- ka yahay weerarkan.

Baarayaasha danbigan ayaa sheegay in Sawina oo ka soo baxay kalaab ku yaala Dinkytown uu weerarkan qaaday ,isaga oo Soomaalida u xushay dharka ay ku labisanaayeen oo ahaa qamiisyo ,taasi oo loo filan karo in diintooda awgeed uu ku weeraray.

Kooxda uu la socday Sawina oo uu badnaa dad caddaan ayaa markii ay arkeen Somaalida bilaabay in ay fowdeeyaan ,iyaga oo adeegsanaya ereyo lagu aflagaadeenayo muslimiinta ,waxaana Sawina uu saaxiibadii u sheegay in uu dhibaato u gaysanayo Somalida ka dib markii mid kamid ah dhibanayaasha uu ka xumaaday hadalada ay adeegsanayeen kooxdan cadaanka ah. 

Laba kamid ah Soomalida uu rasaasta ku furay ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo lugta ah ,waxaana la dhigay Isbitaalka jaamacadda Minnesota halka seddexda kale ay iyagana soo gaareen dhaawacyo fud-fudud ,sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliska.

Ugu danbayn, booliska ayaa guriga Sawina ka helay qorigii uu u adeegsaday weerarka ,waxaana hogaanka muslmiinta Mineopolis ay sheegeen in arintan ay salka ku hayso Islaam nacaybka ,iyaga oo sabab uga dhigay hadalo ay siyaasyiinta Maraykanka qaarkood ka jeediyeen warbaahinta,taasi oo lagu dhaliilayo Islaamka. 

Faysal M. Hassan
[email protected]