4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 17, 2016
Askar ka Tirsanaa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo lagu Xukumay Xabsiyo kala duwan


Arbaco, August 17, 2016 (HOL) — Maxkamadda Ciidamada ee Dalka Uganda ayaa dambi ku heshay sagaal Askari ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwaasoo bishii Juun ee sannadkan la qabtay xilli ay ku gudo-jireen iibsashada Shidaalka Ciidamada AMISOM.

Askartan tiradoodu tahay sagaalka Askari, ayaa lagu xukumay xabsi Sannad illaa saddex sano u dhexeeya, iyadoo maxkamaddu ay sheegtay in askartaan lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay ee xatooyada ahaa.

Garsooraha Maxkamadda Ciidamada Uganda, Dick Olum iyo koox saraakiil ah oo ka socday Hawl-galka AMISOM oo bishii lasoo dhaafay Muqdisho yimid si ay ula socdaan maxkamadeynta askartan.

Sidoo kale, Sagaalkan askari ee xukunku ku dhacay ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen 18-askari oo lagu soo eedeeyay inay iibsanayeen shidaalka ay ciidamada AMISOM isticmaali lahaayeen.

Dhanka kale, waxaa iyagana shaqadii laga eryay saddex sakari oo ka mid ah ciidamada lasoo eedeeyay, ayagoo aan heli doonin mushaarka muddadii ay ciidamada ka tirsanaayeen ee ay hawl-galka u joogeen Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Ciidamada Dowladda Somalia ayaa gacanta ku dhigay bishii la soo dhaafay ee Juun, askartan oo shidaal ka iibinayay dad shacab ah, iyadoo AMISOM ay sheegtay in maxkamaddani ay caddeynayso in ciidamadooda la hor-keeni karo Maxkamad.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya