4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 17, 2016
Bandhigga buugaagta ee caalamiga ah oo saaka ka furmaya Muqdisho

Arbaco, Agoosto 17, 2016 (HOL)-Bandhigga buugaagta ee caalamiga ah ayaa lagu wadaa maanta inuu ka furmo Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa halkaa in lagu soo bandhigo buugaag badan oo afka Soomaaliga ku qoran oo ay qoreen qoraayaal badan oo Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhig doonaa halkaa buugaag ay qoreen dad ajnabi ah sida buug uu Soomaaliya ka qoray wariye hore oo BBC ka tirsanaan jiray oo lagu magacaabo Andrew Herding.

Bandhigaa buugaagta ayaa socon doona muddo 3 maalmood ah.

Bandhiggaa ayaa ah kii labaad ee noociisa ah ee la qabto laguna qabto Muqdisho tan iyo markii ay burburtay dawladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]