4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 17, 2016
Xildhibaanada baarlamanka federaalka Somalia oo Maanta yeelanaya Kulankoodii u Dambeeyay


Arbaco, August 17, 2016 (HOL) — Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta la filayaa inay yeeshaan kulankoodii ugu dambeeyay ee ay isugu imaaayaan afartii sano ee lasoo dhaafay.

Fadhiga baarlamaanka ee maanta ayaa lgau wadaa in looga doodo qaraar ku la xiriira dastuurka KMG-ka ah ee Soomaaliya, kaasoo qorshuhu yahay in loo gudbiyo baarlamaanka lasoo dhisayo.

"Maanta oo Taariikhdu tahay 17-ka August, 2016-ka Baarlamaanka Federaalka ah, wuxuu yeelanayaa kulankiisii u dambeeyay, Waxaana kulankaas looga doodi doonaa Dastuurka iyo in Xildhibaannadu ay Ansixiyaan Qaraarka Dastuurka oo loo gudbin doono baarlamanka 10-aad ee lasoo dhisi doono," ayuu yiri xildhibaan Xildhibaan Maxamed Cumar.

Dhanka kale, Baarlamaanka Federaalka Somalia ee hadda shaqeynaya ayaa Wuxuu xilligiisa shaqo ku eg-yahay 20-ka bishan Ogoosto, inkasoo bayaankii laga soo saaray kulankii Madasha Qaran ee Muqdisho lagu qabtay uu muddo dheeraad ah siiyay madaxda dalka si doorashada loo agaasimo.

Ugu dambeyn, Baarlamaankan ayaa kulamadiisu ahaayeen kuwo gaabis ah, tan iyo wixii ka dambeeyay bishii May markii Madaxweynaha uu xeer uu soo saaray ku anisiyay go’aanadii Madasha Wada-tashiga qaran ee bishii Abriil la gaaray.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya