4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 17, 2016
Masuul ka tirsan dawlada Kenya oo uga digay dadka degmada Garissa qarinta qaxootiga

Arbaco, Agoosto 17, 2016 (HOL)-Shacabka kunool degmada Garissa ee Kenyanka ah ayaa waxaa looga digay inay qariyaan qaxootiga Dhadhaab ee diidan in dib loo celiyo kuwaasoo qaarkood laga yaabo inay Garissa yimaadaan si arinkaa ay uga baaqsadaan.

Isku duwaha hawlaha dawlada Kenya ee gobolka Waqooyi-bari Kenya Maxamuud Saalax ayaa uga digay dadka kunool magaalada Garissa inay guryahooda ku qariyaan qaxootiga Dhadhaab qaarkood kuwaasoo aanan dooneyn in dalkoodii Soomaaliya dib loogu celiyo.

Maxamuud Saalax ayaa arinkaa ka digay mar uu ka hadlaayay seminaar lagu qabtay magaalada Garissa Axadii aanu soo dhaafnay.

 “Qaxootigu malahan kaararka aqoonsiga iyo dukumiintiyo usaamaxaya inay kunoolaadaan meelo ka baxsan xeryaha,” sidaa ayuu yiri.

Wuxuu intaa raaciyay in dawladu ay tillaabo ka qaadi doonto dadkii qariya.

Dawlada Kenya ayaa sheegtay in mar aan dheereyn ay xiro doonto xeryaha Dhadhaab qaxootiga Soomaalida ahna dib dalkoodii loogu celin doono.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.