4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 16, 2016
Sawiro: Magaalada Kismaayo oo laga Hir-geliyay Hoggaanka Is-gaarsiinta Booliiska Soomaaliya


Talaado, August 16, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Madoobe] oo uu wehelinayo Taliyaha Booliiska Somalia Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa Maanta kormeer ku tagay saldhiga ciidamada booliiska Jubbaland ee Kismaayo.

Taliyaha iyo Madaxweynaha ayaa kormeeray qaybaha Saldhiga Magaalada Kismaayo uu ka kooban yahay, kaas oo hadda Talis Guud u ah Ciiidamada booliiska maamulka Jubbaland, kuwaasoo uu ku jiro hoggaanka isgaarsiinta booliiska Soomaaliya oo laga hir-geliyay Xarunta Jubbada Hoose.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha ayaa booqday Qaybta is-gaarsiinta booliiska, halkaasoo ay kala haldeen saldhigyada booliiska ee ku yaalla magaalooyinka Muqdisho, Baladweyne, Jowhar, Carmo iyo Baydhabo, iyagoo ka xog-wareystay sida ay hawlahoodu maanta u socdaan.

Intaas kaddib, madaxweyne Axmed Madoobe iyo Taliyaha Booliska Somalia, Xaamud waxay kormeereen qaybaha tababbarka, waaxda dambi barista iyo qaybta ciidanka banbeyda, iyadoo Warbixinno ka dhagaystay Hoggaannada iyo sarakiisha kala duwan oo qaybaha ciidamada booliiska Jubbaland.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ay muuqato rajo ah inay soo noqonayso haybaddii ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo xilligan ku hawl-galaya adeegyo casri ah, isagoo xusay inay abuurayso jawi muujinaya inay soo noqonayso xasilloonnidii guud ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Axmed Madoobe wuxuu intaas ku daray in loo bahan yahay in la xafido dhammaan qalabka ciidanka, gaar ahaan isgaarsiinta oo uu sheegay in haddii cadawga ay u gacan-gasho ay tahay dhabar-jab weyn; loona bahan yahay in mas'uuliyad la iska saaro sidii loo ilaalin lahaa.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya