4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 16, 2016
Maamulka Gobolka Hiiraan oo xabsiga ka daayay wariye Cali Kuluc kadib afar casho oo uu xirnaa

Talaado, August 16, 2016 (HOL) — Cali Daahir Xeroow [Cali Kuluc] oo muddo ku siman Afar cisho u xirnaa maamulka gobolka Hiiraan, ayaa dib u hellay Xorriyadiisii, kaddib Dadaal dheeraad ah oo sii deyntiisa u gallaan odayaal, waxgarad iyo suxufiyiinta ka howlgala magaalada Beledweyne.

Illaa iyo hadda maamulka si rasmi ah uma uusan shaacin sababaha loo xiray Cali Kuluc, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiray khilaaf shaqsi ah oo soo kala dhaxgalay isaga iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo markii horeba bixiyay amarka lagu soo xiray.

Ugu dambeyntii, Ma jirin Maxkamad la Hor-geeyay muddadaa Afarta casho ah ee uu xirnaa, waxaase maanta lagu sii daayay amar ka soo baxay isla guddoomiyaha gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya