4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 16, 2016
Orodyahanka u dhashay Kenya ee David Rudisha oo Mar kale Difaacday Billaddiisa Dahabka ah


Talaado, August 16, 2016 (HOL) — Orodyahanka u u dhashay dalka Kenya ee David Rudisha, ayaa difaacday billada dahabka ee orodka 800 ee mitir ee Olympic-kada Adduunka.

Cayaaryahankan, 27-jirka ah ayaa soo bandhigay orod aad u heer sarreeya muujiyayna khibraddiisa kaddib markii wareega hore uu ka hormaray Alfred Kipketer.

Rudisha ayaa hoggaanka orodka la wareegay markii 300-mitir uun ay ka harsan tahay tartanka, iyadoo Alfred Kipketer oo hoggaaminayay orodka uu u muuqday inuu tabar-dhigay, wixii ka dambeeyayna markaas, wuxuu Rudisha u muuqday mid aanan la qaban karin, Sidaana wuxuu ku orday 1 daqiiqo iyo 42.15 ilbiriqsi.

Kipketer ayaa masaafo aan caadi aheyn jaray 200m ee ugu horreysay isagoo ku orday 23 ilbiriqsi oo kaliya.

Hase yeeshee 19-jirkan oo Rudisha ku garaacay isreebreebkii orodada ee Kenya ayaa ku dhameystay kaalinta toddobaad ka galay Tartanka Olymip-kada Adduunka ee ka socda Magaalada Rio.

Ugu dambeyn, Guushan uu gaaray Rudisha ayaa ka dhigtay inuu yahay orod-yahankii u horreeyay ee biladdiisa 800m dib ugu guulaysta tartanka Olympic-ada tan iyo orodyahan Peter Snell oo u dhashay New Zealand oo illaa 1964-kii sidan sameeyay.

Xigasho: BBC Somali

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya