4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 16, 2016
Ninkii imaamka ku dilay Mareykanka oo lasoo qabtay

Talaado, Agoosto 16, 2016 (HOL)-Booliska magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa gacanta kusoo dhigay ninkii dilay imaamka iyo kaaliyihiisa labo maalmood kahor.

Saacado kadib markii 1000 qof oo baroor diiqayay ay ka qeyb galeen aaska labadaa nin ee madaxa laga toogtay ayagoon waxba galabsan ayaa boolisku sheegay in Isniintii shalay habeynkii ay soo galaysay uu gacanta kusoo dhigay ninkaa ku eedeysan inuu dilka geystay kaasoo lagu magacaabo Oscar Morel

Ninkaa ayaa la sheegay inuu yahay 35 sano jir. Waxaa boolisku kusoo oogay ninkaa dacwad ah inuu dil geystay iyo inuu hub sharci darro ah heystay.

Waxaa la sheegay in biliisku mar habeykii Isniintu soo galaysay ay isku dayayeen inay soo xiraan ninkaa uu ninkaasi gaarigiisa ku dhuftay dhowr jeer gaari ay wateen biliisku asagoo isku dayayay inuu baxsado.

Qof marqaati ahaa oo goob joog u ahaa markii imaamka iyo kaaliyihiisa la dilaayay ayaa ninka oo rag kale lala safay ka dhex aqooday asaga sheegayna inuu asaga ahaa wixii ragga laayay.

Biliiska ayaa sidoo kale sheegay inay soo heleen dharkii uu xirnaa iyo qorigii uu sitay ninkaasi markii uu dilka geysanaayay maadaama ay arkeen oo muuqaalo kaamiro ay ka arkeen taasoo duubeysay falka markii uu ku kacaayay ninkaa eedeysanaha ah.

Jaaliyada reer Bangladesh ee qurbajoogga ku ah New York ayaa shacuurtoodu kacsan tahay dilkaa awgii loo geystay imaamka masaajidkooda iyo kaaliyihiisii mar ay kasoo baxeeen salaad kuna sii jeedeen guryahooda. 

Duqa magaalada New York ayaa ballan qaaday in caddaalada la marsiin doono ninkii imaamka iyo kaaliyihiisa dilay.

“Waxaan rabaa inaan si cad u sheego in caasimada New York ay tahay meel sidii hore ka wanaagsan kana xooggan sidii hore sababtuna waa bulshooyinkeena Muslimiinta ah,” ayuu yiri duqa New York Bill Blasio.

Wuxuu intaa raaciyay, “madoonayno inaanu maqalno codadka isku dayaaya inay nakala qeybshaan.”

Duqa magaaladu wuxuu sidoo kale ballan qaaday in boolis dheeraad ah la geyn doono masaajida si ay u xoojiyaan ammaanka goobahaa maalmaha soo socda arinkaa oo dad uu u khudbeynaayay ay aad ugu riyaaqeen.

Xubno ka tirsan Jaaliyada reer Bangladesh ee qurbajoogga ah ee New York ayaa sitay boorar ay ku qoranaayeen hal ku dhagyo ay  kamid ahaayeen “Jooji falal dambiyeedka; Nolosha Muslimiintu qiime ayay ku fadhidaa.”

Imaamkii la dilay iyo kaaliyihiisii  oo la kala oran jiray Akonjee, iyo Uddin oo jiray 55 sano iy 64 ayaa labaduba ifka uga tagay midkiiba saddex carruur ah.

Allaha u naxariisto labadoodaba.