4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 16, 2016
Madaxweyne Xasan oo Qurbo-joogta ku amaanay doorka ay ka qaataan dib u dhiska dalka (Sawiro)


Talaado, August 16, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay Qurba-joogta Soomaalida inay sii Laban-laabaan Dadaaalkooda ku Aaddan dib u dhiska iyo horumarinta waddankooda hooyo.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay xafladdii xiritaanka Shirka Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

"Qurbajoogta dadaal badan oo muuqda ayay sameeyeen si ay waddankooda wax ugu qabtaan, doorka ay cayaareenna waa mid dalka wax badan ka beddelay. Fariinta aan u dirayaa dhammaan qurbajoogta waxay tahay inay shaqada wanaagsan ee ay hayaan ay meesha ka sii wadaan, inay midnimadooda adkeeyaan iyo inay saameyn waxtar leh ku yeeshaan waddamada ay ku nool yihiin,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia oo ka hadlayey Arrimaha Siyaasadda ayaa yiri. "Markii ay xlka la Wareegaysay Xukuumaddan, Waxaay Dadaal u gashey inay qabato inta badan hawlihii laga sugayey dowladihii ku meel gaarka ee dalka soo marey, duruufo iyo caqabado soo wajahay xilligooda awgood. Waxaan aaminsanahay inaan hore u socono, haddii aan wada shaqeynana aan Soomaaliya meel sare wada gaarsiin karno’’.

Madaxweyne Xasan ayaa ugu dambeyn ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan sidii dalku u yeelan lahaa hay’ado dowli ah oo sal adag, isla markaana qeyb ka qaata dhismaha Soomaaliyada cusub ee tiirarkeedu noqon doonaan dimoqraadiyad, caddaalad, horumar, isla xisaabtan iyo nabad ku wada noolaansho.

Ugu dambeyntii, Waxaa Madaxweynaha Soalia ka hor , halkaasi ka Akhriyay war murtiyeedka shirka, Zakariye Yuusuf oo ka mid ah xubnihii qurbajoogta ee ka Qayb-gashay shirka lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya