4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 16, 2016
Ganacsato Somali ah oo hantidooda lagu boobay Deegaanno ku yaalla Koonfur Afrika (SAWIRRO)

Talaado, August 16, 2016 (HOL) — Rabsho lagu boobay dukaamo ganacsi oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed ayaa ka dhacay xaafadda Strand ee Magaalada Cape-town ee wadanka Koonfur Afrika. Waxayna Rabshadahaani dhaceen habeen, iyadoo sido kale dadka deegaanka ay gubeen gaari yar oo uu watay mid ka mid ah ganacsatada Soomaalida.

Dadka deegaanka Xaafadda Strand ee boobkaan geystay ayaa ka carooday kaddib markii ganacsade Soomaali ah uu dilay mid ka mid ah shacabka ku nool deegaankaas oo uu muran dhax-maray, waxaana taasi ay keentay in shacabka ay billaabaan banaan-baxyo ay uga soo horjeedaan ganacsatada Soomaalida ee deegaankaasi ganacsiga ku haysta.

Illaa siddeed dukaan ayaa la boobay, waxaana laga soo raray goobo kale oo ganacsi kuwaasoo la keenay xaafadaha u dhaw-dhaw deegaanka uu dhibka ka dhacay, sida uu Warbaahinta u sheegay C/lle Xuseen Cadaan ka mid ahaa ganacsatada hantidooda la boobay.

"Waxaan tagay markii dilka uu dhacay kaddib oo aan dukaan ninka Soomaaliga ee dhibka geystay ayaa waxaa yimid dadkii deegaanka, gaar ahaan ehelkii laga dilay iyo shacabkii kale waxa nagu billoday dhagxaan iyo dagaal, kaddib gaarigeyga oo bannaanka yaalay ayay gubeen, waxayna billaabeen boobka dukaanka kaddib nafteen ayaan halkaasi kasoo baxnay," ayuu yiri C/lle Xuseen Caddaan.

Sidoo kale, Sahra C/laahi Jimcaale oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee deegaankaas kuna sugnayd 10-sano ayaa warbaahinta u sheegtay inuu soo gaaray khasaare culus ganacsiyadii ay ku lahaayeen deegaanka.

"Waxaad dareemi kartaa dukaan dhan oo Hal milyan ku qiimeysnaa oo isaga dhan la boobay iyo kuwo kale oo la mid ah wali nama soo marin ayaan filaa muddooyinkaan khasaarahaas oo kale," ayay tiri Sahra Jimcaale

Dhanka kale muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu dhawacay Orangfam oo ku yaalla dulleedka magaalada Johannesburg kaddib markii burcad hubeeysan ay weerar ku qaaday dukaan uu ku sugnaa, waxaana wararka qaar sheegayaan in xaalad kacsanaan ahi ay deegaanka ka jirto, iyadoo Dukaamada Ajnabigu leeyihiin la xiray.

Cumar Muxumed Maxamed ( Kiyow)
E-mail: [email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika