4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 16, 2016
Afar qof oo qura ayaa loo ogol yahay inay gawaari waaweyn ay kusocdaan dawlada Rwanda

 

Talaado, Agoosto 16, 2016 (HOL)-Dalka Rwanda afar qof ayumbaa dawlada dalkaa loo ogol yahay inay ku socdaan gawaari tankoodu ka weyn yahay 2000cc.

Afartaa waa madaxweynaha, raisul wasaaraha, afhayeenka baarlamaanka iyo afhayeenka aqalka guurtida ama senetka. Wasiirada deyn ayaa la siinayaa ay kusoo gataan gawaarida nooca ay rabaan.

Waxaa wasiirada intaa loo raacinayaa lacag ay gawaarida ku dayactirtaan oo gunno yar ah. Dawlada ayaa sidoo kale u kireysa gawaari kale dawlada hadii loo baahdo tusaale hadii meelo baadiye ah loo safraayo.

Tan iyo markii dawlada Rwanda ay bilowday fulinta istaraatiijiyadaa sanadkii 2004, waxay qabatay gawaari gaaraya 250 dawladu leedahay iyo kuwo hayado samafal ay usoo gadeen oo si khaldan loo isticmaalayay. 

Laga soo bilaabo bishii shanaad ee sanadkii 2005, dawlada ayaa soo uruurisay kana soo xareysay $3.5 milyan  gawaaridaa oo lasii iibiyay.

Warbixin lagu soo saaray xisaabo xil maleh oo dawlada dhexe ay qortay sanadkii 2011 ayaa muujisay in dawladu ku weydo malaayiin lacag ah dayac tirka gaadiidka.
 

2010-2011, wasaaradaha, waaxaha, hayadaha iyo xafiiska xogheynta maamulka ayaa si xun u maamulay qarashaad loogu tala galay dayactirida gawaarida dawlada oo dhamaa ilaa  Sh77.318 oo milyan.