4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 16, 2016
Puntland oo qabqabatay tahriibeyaal boqolaal ah

Talaado, Agoosto 16, 2016 (HOL)-Dawlada Puntland ayaa qabqabatay dad gaaraya boqolaal kuwaasoo damcsanaa inay u tahriibaan Yemen.

Dadkaa lasoo qabtay ayaa doomo usii saarnaa  Yemen marka lasoo qabqabtay ayagoo markaa bilaabayay safarkooda.

Dawlada Puntland ayaa sheegtay in dadkaa ay soo qabqabatay kadib markii sirdoonka Puntland aysoo sheegeen xogta kusaabsan safarkooda.

249 qof oo Itoobiyaan u badan ayaa dawlada Puntland sheegtay inay soo xirtay. Dhowr iyo lixdan qof ayaa uu sheegay afhayeen u hadlay dawlada Puntland inay Soomaali yihiin.

Afhayeenkaa ayaa intaa ku daray in dadka wixii aan Soomaali ahayn dalalkoodii loo dhigi doono halka Soomaalida la maxkamadayn doono dabadeedna la xiri doono.

Waxaa la yaab leh ayadoo dagaalo ay ka socdaan weli Yemen in weli dadka Geeska Afrika ay halkaa u tahriibayaan.

Tahriibeyaasha ayaa naftooda ku biimeeya ka gudbitaanka Gacanka Gadmeed marka ay Yemen kusii jeedaan.

In badan ayay dawlada Puntland taag u la'eyd xaddidida qulqulka dadka naftooda ku biimeeya Qooriga Cadmeed balse haatan ayaad moodaa inay dardar galinayso dadaalada ay ku xaddideyso dadka doonaya inay nafafyaalkooda sidaa u halligaan!

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]