4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 15, 2016
Xukuumadda Somalia oo sheegtay in Hawl-gallo Qorsheysan laga fuliyay Gobolka Jubbada Dhexe


Isniin, August 15, 2016 (HOL) — Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Danab, ayaa hawl-gallo qorsheysan ka fuliyay Degmada Sunguuni ee Gobolka Jubadda dhexe, kuwaas oo ku burburiyay saldhig ay Al-shabaab ku lahayd deegaankaas iyo koontarool ay lacago ku qaadi jireen.

Degmada Sunguuni, ayaa ah mid ka mid ah deegaannada muhiimka u ah Al-shabaab waxayna dhanka waqooyi ka xigtaa Webiga Jubba, sida lagu xusay war-saxaafadeed caawa ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in hawl-galkan laga sameeyay Jubbada dhexe, gaar ahaan tuulada Hargeysa-yareey lagu lagu gubay gaadiidka kuwa dagaalka ah, isla markaana lagu dilay xubno ka mid ahaa xoogagga Al-shabaab.

"Howl-galladaan oo ahaa kuwo is-dhaba-joog ah, ayaa waxaa laga sameeyay Degmada Saakow oo ay saldhig weyn ku lahaayeen Cadowga, waxaana lagu dilay qaar ka mid ah xubnaha muhiimka ah ee Al-sabaab oo dib loo Faahfaahin doono," ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka, waxaana la raaciyay in hawl-galladan lagu soo qabtay hub iyo saanad ciidan.

Ugu dambeyn, Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Somalia, Jen. Cali Baashi Maxamed ayaa tilmaamay inay xoojinayaan Weerarrada lagu bar-tilmaameedsanayo Al-shabaab, si loogu Guuleysto in laga saaro deegaanada ay weli ku sugan yihiin, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya