4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 15, 2016
Golaha Talo-bixinta iyo Qorshaha Qaranka oo soo saaray qodobo muhiim ah

Isniin, Agoosto 15, 2016 (HOL)-Kadib shir ay maanta ku yeesheen Baydhabo, Xarunta Gobolka Baay ayaa xubnaha Golaha Talo-bixinta iyo Qorshaha Qaranka waxay soo saareen war murtiyeed.

War murtiyeedkaas oo nuqul ka mid ah uu mar dhow soo gaaray miiska warqabadka ee Hiiraan Online ayaa waxaa ay xubnaha golehaasi ku qoreen qodobo dhowr ah oo ay shirkii maanta dhammaadkiisii isku raaceen.

Qodobadaa ayaa ah  goluhu inuu soo dhaweynaayo hannaanka Qorshaha Qaranka; soo jeedin ah in la xoojiyo xiriirka iyo hagida dhameystirka Qorshaha Qaranka;  in la qabto shirka xiga ee golaha taariikhdu markey tahay 31ka bisha Agoosto ee 2016 laguna casuumo Beesha Caalamka;  in goluhu la wadaago qabyo qoraalka Qorshaha Qaranka dowlad goboleedyada oo dhan inta aan la baahin si ay uga soo talo bixiyaan; in  la sameeyo hannaan qaab-dhismeed kaasoo ah iskuduwid iyo isku dubarid loogu talo galay howlaha Qorshaha Qaranka; in lasoo dhaweeyo oo goluhu soo dhaweeyo kordhinta dowrka haweenka ee ku xusan Qorshaha Qaranka iyo in goluhu yahay midka hagaya maamulka iyo hirgelinta Qorshaha Qaranka.

Goluhu wuxuu war murtiyeedkiisa ku xusay  mahadcelin uu uga mahad celiyay Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka shaqada adag ee ay qabatay welina qabato ee ah isku dubaridka howlaha Qorshaha Qaranka.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]