4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 15, 2016
Degmada Garissa: Deegaanka Ceel Dheer oo xiisad colaadeed ay ka taagan tahay

Isniin, Agoosto 15, 2016 (HOL)-Hal qof ayaa lagu dilay xiisad colaadeed oo ka taagan deegaanka Ceel Dheer ee xadka degmooyinka Garissa iyo Isiolo ee dalka Kenya.

Xiisada ayaa ka dhalatay dhul daaqsin oo ku yaala deegaankaa. Deegaankaa Ceel Dheer ayaa ah deegaan ka mid ah deegaanada leh dhul daaqsinka ugu wanaagsan dalka Kenya.

Labo beelood oo wada daga halkaa ayaa muran ka dhashay dhul daaqsinkaa awgii ay haatan xiisadi ka dhex taagan tahay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee halkaa ay xiisad noocaa ah oo dhul daaqsin salka ku heysa ay ka dhacdo.

Si la mid ah sida deegaankaa Ceel Dheer ayaa dhulal kale oo degmooyin kale oo Kenya ah kuyaala  loogu murmaa dhul daaqsin ayadoo marmar ay xiisadahaa ku dhintaan dad dadna ay ku dhaawacmaan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.