4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 15, 2016
Ciidamada Somalia iyo kuwa Puntland oo kusoo Bandhigay Gaalkacyo Gaadiid iyo Hub (SAWIRO)


Isniin, August 15, 2016 (HOL) — Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ee Danab iyo kuwa Amniga Puntland ee PSF, ayaa Maanta Magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigay gaari u lahaa Nuur Deeq oo ay sheegeen inuu Al-shabaab u qaabilsana dilalka magaalada Gaalkacyo ka dhaca.

Gaarigan oo ah nooca Soomaalidu u taqaanno Land Cruiser, ayaa lahaa labo taargo oo Somalia iyo Puntland ah, kuwaasoo sida saraakiisha ciidamadu ay sheegen loo adeegsan jiray dilalka Gaalkacyo ay ka gaysan jireen Ururka Al-shabaab.

Sidoo kale, Ciidamada Kumaandoosta Somalia iyo kuwa Amniga Puntland ee ayaa soo bandhigay labo qori iyo booshash badan kuwaasoo ay sheegeen in loo adeegsan jiray dilalka.

Dhinaca Kale, Saraakiisha hoggaaminayay hawl-galka ayaa sheegay in Saciid C/laahi Al-sudani gacanta lagu hayo, kaas oo Al-shabaab u farsamayn jiray qaraxyada, lagana soo qabtay guri uu gaalkacyo ku lahaaa Nuur Deeq oo Al-shabaab la shaqeynayay.

Ugu dambeyntiina, Wali waxaa Magaalada Gaalkacyo ka socda Howl-gallada ay sida wadajiraka ah u fulinayaan Ciidanka Danab ee Somalia iyo kuwa amniga Puntland, kuwaasoo soo qab-qabtay dad fara badan oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo kooxaha kale ee Xag-jiriinta ah.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
E-mail: [email protected]  
Groowe, Puntland - Soomaaliya