4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 15, 2016
Soomaaliya oo weeraro badan loogu geystay shaqaalaha samafalka sanadkii 2015

Isniin, Agoosto 15, 2016 (HOL)-Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dhowr dal oo shaqaalaha samafalka weeraro loogu geystay sanadkii aanu soo dhaafnay ee 2015.

Sidaa waxaa sheegtay heyada Humanitarian Outcomes ee caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, Humanitarian outcomes waxay sheegtay in Afghanistan uu yahay dalkii weerarada ugu badan loogu geystay shaqaalaha samafalka sanadkii 2015.

Dalka Koofurta Suudaan ama South Sudan ayaa kusoo xiga. Dalka Afghanistan afduub loo geystay shaqaale badan ayaa jiray ayadoo afduubku uu yahay xadgudubka ugu badan ee lagula kaco shaqaalaha samafalka dalkaa gudihiisa.

Balse falalka caamka ah ee dhammaan daafaha caalamka lagula kaco shaqaalaha hayadaha samafalka waa kufsi, faraxumeyn, dhac, dil, afduub, qarxin ama ayadoo qarax lala beegsado, iyo ayadoo la xabbadeeyo.

Si kastaba, dhammaan weeraradaa hoos ayay u dheceen sanadkaa 2015 marka loo barbar dhigo sanadihii dhowrka ahaa ee ka horeeyay ayadoo sanadkii 2013 ay falalkaasi ugu badnaayeen.

Sanadkii 2015 waxay falalkaasi hoos u dheceen 20% walow wali ay aad u badnaayeen. 148 weerar oo noocyadaa ah ayaa dhacay sanadkii lasoo dhaafay kuwaasoo ka kala dhacay 25 dal.

Dalalka ay weeraradaa badankoodu ka dhaceen sanadkii tagay sida ay sheegtay Humanitarian Outcomes waa Afghanistan, Soomaaliya, Koofurta Suudaan, Suuriya iyo Yemen.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]