4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 15, 2016
Warbixin ku saabsan Hawl-gallo ka dhacay Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe


Isniin, August 15, 2016 (HOL) — Ciidammo ka tirsan Komaandoosta Somalia oo taageero ka helaya ciidammo Mareykan ah ayaa labo Hawl-gal ka Fuliyay Koonfurta Soomaaliya dhawrkii casho ee lasoo dhaafay.

Hawl galkan ayaa la sheegay in lagu dilay 30 xoogag Al-shabaab ka tirsanaa, inkastoo aan wali la hayn warar xaqiijin kara tirada dhimashada Weerarradan ay fuliyeen ciidanka is-bahaysanaya.

Wakaalada Wararka Xinhua oo xiganaysay ilo Wareedyo ku dhaw Ciidamada Dowladda Somalia ayaa sheegay in hawl-galladaan ay dhaceen 10-kii iyo 13-kii bishan Ogoosto, kuwaasoo lagu beegsaday saldhig Al-shabaab ku lahayd degmada Saakow ee gobolka Jubadda Dhexe.

"Ciidamada Mareykanka iyo kumaandoosta Soomaaliya, waxay weerarro ku qaadeen Degmada Saakow, halkaasoo ay ku dileen 30 xubnood. Hawl-gallo gaar ahaa oo dhacay intii u dhaxeysay 10-kii illaa 13-kii bishan, xubno sare oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay," ayuu yiri sarkaal ka tirsan dowladda Somalia.

Sidoo kale, Xinhua ayaa sheegtay in afhayeenkii Al-shabaab Abuu-Muscab iyo nin magaciisa lagu sheegay Abu-Omar iyana lagu dilay hawl-galkaas, inkastoo aysan weli Al-shabaab ka hadlin arrintan.

Ugu dambeyn, Dowladaha Mareykanka iyo Somalia ayaan weli Weeerarradan kasoo saarin wax hadal ah, dhanka kalena ma cadda cidda lagu beegsanayay hawl-galladii ka dhacay Degmada Saakoow.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya