4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 15, 2016
Boqolaal qoys oo ku barakacay dagaalo dhawaan ka dhacay gobolka Bakool

Isniin, Agoosto 15, 2016 (HOL)-Boqolaal qoys oo ku barakacay dagaalo dhawaan ka dhacay gobolka Bakool ee Soomaaliya ayaa lagusoo waramayaa inay wajahayaan daruufo nololeed oo adag.

Dagaalo dhawaan ku dhexmaray ciidamada dawlada iyo Alshabaab ayaa waxaa ku barakacay boqolaal qoys kuwaasoo goobihii ay daganaayeen ay qasab kunoqotay inay ka cararaan.

Dagaalo todobaadkaan ka dhacay degmada Teyeeglow oo ka tirsan Bakool ayaa waxaa ku barakacay qoysas aad u badan gaar ahaan ayadoo barakaca ugu baahsan uu ka dhacay deegaanka Ceel Garas. Ceel Garas ayaa waxaa ay dhacdaa xadka degmooyinka Xudur iyo Teyeeglow.

Dadkaas ayaa weli waxaan la gaarsiin wax cunno ah oo gargaar ah iyo gaargaar kale oo noocyo kale ah sida maacuunta iyo teendhooyin.

Xaalad dayac ah iyo dhibaato badan inay meelihii ay ku barakaceen ku heystaan ayaa uu xaqiijiyay masuul ka tirsan degmada Teyeglow maamulkeeda.

Ilaa 45 qoys oo kale oo kasoo barakacay Teyeeglow qeybo ka tirsan ayaa horay u joogay uguna dhibbanaa magaalada Teyeeglow.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]