4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 15, 2016
Shir kusaabsan Qorshaha Qaran ee Horumarinta oo Baydhabo kafurmaya saaka

Isniin, Agoosto 15, 2016 (HOL)-Waxaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo Baydhabo shir kusaabsan Barnaamijka Hormarinta Qorshaha Qaranka 2017-2019.

Shirkaa ayaa lagu wadaa inay kasoo qeybgalaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Qorsheynta Soomaaliya iyo Wasiirada Qorsheynta maamulada dalka ka jira iyo xubno kale.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta dowladda federaalka Soomaaliya, C/laahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa shirkaasi u matalaya dowlada.

Waziirka C/laahi Sheekh Cali ayaa ajendeyaasha shirka u sharraxay warfidiyeenka.

“Ujeedka shirkaan waa in aan talooyin ku helnaa, wixii talo ahna wasaaradu diyaar ayey u tahay inay qaadato oo aan ku darsano qorshaheena si loo helo qorshe qaran oo dhameystiran”ayuu yiri C/laahi Sheekh Cali.

Shirkaan ayaa socon doona maanta oo idil ilaa galabta waqti dambe.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]