4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 15, 2016
Muslimiinta Mareykanka oo ku eedeeyay Trump Muslim naceyb abuurid

Xaquuqda masawirkaan/Reuters


Isniin, Agoosto 15, 2016 (HOL)-Kadib dilkii maalin ka hor loo geystay nin imaam ka ahaa masaajid iyo ku xigeenkiisa ayaa Muslimiinta Mareykanku eedeyn dusha uga tuureen murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayagoo ku eedeeyay inuu nacayb ka dhan ah Muslimiinta abuuro.

Imaam masaajid iyo kuxigeenkiisa ayaa lagu toogtay oo lagu dilay Mareykanka gaar ahaan magaalada New York maalin ka hor.

Imaamka iyo ku xigeenkiisa ayaa salaad kasoo baxay ayagoo kusoo tukaday masaajidka kuna sii jeeday guryahooda markii la dilaayay.

Nin dabley ah ayaa la sheegay inuu ka dabayimid oo uu raggaa toogasho ku dilay. Weli majirto xaqiijin kusaabsan sabab cad oo loo dilay raggaa balse waxaa jira warar sheegaya in Islaam nacayb ay tahay.

Kadib dilka loo geystay labadaa marxuum ee aanan waxba galabsan ayaa dad arinkaa ka careysan oo gaaraya boqolaal waxay isugu soo baxeen afaafka hore ee goobtii lagu dilay dadkaa. Dadkaa ayaa dibadbax ama mudaaharaad dhigay.

Imaamka la dilay ayaa kasoo jeeda dalka Bangladesh. Markii hore ayay dhaawacmeen imaamka iyo ninka kale laakiin isbitaalka ayay ku go'een markii la geeyay.

In dhawaaleba Mareykanka iyo meelo badan oo caalamka ah waxaa kusoo badanaayay dilalka aan la garaneyn ujeedkooda ee toogashada ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]