4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 14, 2016
PUNTLAND: Maxkamada Ciidanka oo ku fulisay xukun Toogasho ah sarkaal horay u geystay DIL


Axad, August 14, 2016 (HOL) — Maxkamadda CiidankaPuntland ayaa xukun dil ku fulisay, G/dhexe Caydaruus Daahir Awaare oo dhawaan dilay C/weli Faarax Ismaaciil oo ahaa laba xiddigle ka tirsana Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland, C/kariin Xasan Firdhiye ayaa sheegay inay guteen waajibaadkii Diiniga ahaa ee saarna iyo kii xeerka ciqaabta ciidanka kaddib markii ehalada marxuum C/weli Faarax ay dalbadeen in loo toogto.

Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay Askarigii dil u gaysta Askari kale lagu fulinayo waajibaadka Diiniga ah ee Qasaasta ah, Haddii aysan fasixin Ehellada Marxuumkii u dilay.

Dhinaca kale, Col. Caydaruus oo maanta xukun Dil ah lagu fuliyay, ayaa la sheegay inuu si bareer ah dilay ugu gaystay 22-5-2016-ka marxuum C/weli oo ay dhul ay isku qabsadeen, taasina ay keentay in maxkamadda ciidamada ka so hor-muuqdo xukuna ay ku rido.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ay qaaday maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa ah mid ku cusub ciidanka Puntland, Waana markii ugu horraysa oo sarkaal maamulka ka tirsan lagu sameeyay qasaas si dambi uu galay lago gudo.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
[email protected]
Garowe,Puntland_Somalia