4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 14, 2016
Xaaji Maxamed Yasin oo ah ganacsade weyn oo ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweyne

Axad, Agoosto 14, 2016 (HOL)-Xaaji Maxamed oo ah ganacsade weyn kaasoo sidoo kalena ah aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inuu u taagan yahay xilka madaxweyne ee doorashada sanadkaan dabayaaqadiisa Soomaaliya ka dhici doonta.

Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa ah ganacsade caan ah oo bulsha weynta Soomaaliyeed dhexdeeda aad looga yaqaano isla markaana maamus iyo sharaf ku leh ahna daaci xagga diinta Islaamka ku xeel dheer. Dhowr mar oo hore ayuu isasoo sharraxay asagoo u loolamay xilkaa madaxweyne dalka Soomaaliya.

Mar kasta oo uu isa soo sharraxayo wuxuu ballan qaadaa isla markaana ka go'an in uu dalka iyo dadka ku xukumi doono shareecada Islaamka weliba sida saxda ah ee kasoo aroortay sunnada rasuulkeena suuban (scw).

Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in uu musuqmaasuq la dagaalami doono uuna wax ka qaban doono ammaanka, waxbarashada, caafimaadka, shaqo la'aanta iyo hanti dhowrka dalka.

Maanta ayaa Xaaji Maxamed Yaasiin wuxuu shir jaraaid ku qabtay Serana Hotel, Nairobi asagoo shaaca ka qaaday inuu mar kale murashax yahay.

Dad badan ayaa qaba in uu Xaaji Maxamed Yasin uu u qalmo xilka madaxweynenimo maadaama uu yahay ganacsade weyn oo aamin ah kaasoo ilaalin doona hantida dawlada.

Xaaji Maxamed Yaasiin wuxuu ugu baaqay ummada Soomaaliyeed inay ay ku taageeraan sidii uu ugu guuleysan lahaa xilkaa madaxweyne.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Magaalada Nairobi, Kenya.
[email protected]