4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 14, 2016
SAWIRRO: Madasha Qurbe-joogta Gal-mudug oo looga dhawaaqay Gobolka Minnesota (DAAWO)

Axad, August 14, 2016 (HOL) — Xaflad ay ka Qayb-galeen shacab badan, kana dhacday Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, ayaa Xalay lagu Daah-furay Madasha Qurbe-joogta Galmudug [Galmudug Diaspora Forum].

Madashan oo ay aas-aaseen dhallinyaro, aqoon-yahanno iyo siyaasiin kasoo jeeda Galmudug, ayaa Qorshaheeda lagu sheegay in ay ka shaqeyn doonto horumarinta dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha, waxbarashada iyo in qurbe-joogtu helaan meel ay kaalin kaga yeelaankaraan arrimaha gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.

Waxaa furitaanka Madashan ka hadlay Cusmaan Caloolgeel oo ah madaxa madashan, isagoo sheegay in ay doonayaan in ay ka qeybqaataan dibu-dhiska iyo horumarinta Galmudug, gaar ahaan isku xirka deegaanka iyo qurbe-joogta Galmudug.

"Inaan madashaan furno waxaa nagu dhaliyey kaddib markii aan dareennay in ay jirto baahi loo qabo in qurbe-joogtu ay helaan meel xariirisa iyaga iyo deegaanka ay ka soo jeedaan [Galmudug], Waxaad ogtihiin in qurbe-joogtu ay laf-dhabar u yihiin guud ahaan Soomaaliya, ayna gacan ka geysankaraan siddii wax looga qaban lahaa baahi waliba oo jirta, haddii ay ahaan lahayd dhaqaale, caafimaad, waxbarasho iyo siyaasad," ayuu yiri Cusmaan Calool-geel madaxa Galmudug Diaspora Forum.

Sidoo kale Cusmaan ayaa intaas ku daray "Haddii aad tihiin Reer Galmudug waxaa doonaynaa in Madashaan inay idiin noqoto Meel ama xarun aad kaga doodi kartaan, isla markaana aad kaga arrinsataan ammuuraha quseeyaa Galmudug."

Jabriil Cusmaan oo isuguna ka mid ah aas-aasayaasha madashan oo isaguna ka hadlay munaasabadda furitaanka ayaa sheegay inay doonayaan in madashaan ay noqoto meel dadka reer Galmudug ay kaga arrinsadaan arrimaha khuseeya deegaannadooda, islamarkaana ay ku muujinkaraan isku duubni."Bulshada reer Galmudug wax ay maanta uga baahi badan yihiin ma jirto in ay helaan waxbarasho, si mustaqbalka loo helo deegaan dadka ku nool dhammaantiis ay wax-qoraan waxna akhriyaan, sidaasi darteed waxaan idin ka codsanaynaa in aad nagu taageertaan siddii wax uga qaban lahayn," ayuu yiri Jabriil Cusmaan.

Furitaanka Madasha Qurbe-joobta Galmudug ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey dadweynihii ka soo qeybgalay, waxaana qaar badan oo ka mid ah dadkii ka hadlay munaasibadda furitaanka ay ku tilmaameen tilaabo mar hore loo baahnaa, islamarkaana siyaasinta iyo dhalinyarada howshaan isku xilqaamay ay qabteen wax wanaagsan oo ay ka faa’ideysankaraan Galmudug iyo guud ahaan Soomaalida kale.

Cabdi Xaashi Cabdi oo ah gudoomiyaha Jaaliyadda Galmudug oo ka hadlay munaasibadda ayaa soo dhaweeyey furitaanka Madashaan, wuxuu xusay in ay diyaar u yihiin jaaliyad ahaan in ay la shaqeeyaan, isla markaana ay is-kaashadaan.

Waxaa iyaguna kusoo bandhigay goobta heeso waddani ahaa qaar ka mid ah fanaaniinta Minnesota ay ka mid ahayeen Sahro Cumar Dhuule, Deeqo Bilan iyo Aways Amoore.

Dadka munaasibadda ka hadlay oo aad u fara badanaa ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Cabdullaahi Marteela oo ah gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Galmudug, kaasi oo dhawaan ka soo laabtay Somalia, gaar ahaan Galmudug, isagoo dadkii goobta joogay uga warbixiyey xaaladda guud Galmudug. Marteela ayaa ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in la helo qurbe-joog u isku duub oo diyaar u ah in ay horumariyaan deegaanaddii ay ka yimaadeen.

Ugu dambeyn, Munaasibadda oo ahayd mid si weyn loo soo abaabulay ayaa waxaa lagu soo bandhigay kaalimo suugaaneed Waddani u badnaa, kuwaas oo ay goobta ka qaadayeen Qaar ka mid Fannaaniinta Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota.

Siyaad Saciid Salaax, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota