4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 14, 2016
Isimada Sool, Sanaag Buuhoodle oo kasoo hor-jeestay Wadahadallada Khaatumo & Somaliland


Axad, August 14, 2016 (HOL) — Inta badan Madax-dhaqameedka Gobolka Sool, Koonfurta Sanaag iyo Buuhoodle, ayaa si buuxda uga Hor-yimid Wada-hadallo u billowday Maamullada Khaatumo iyo Somaliland.

Madax-dhaqameedkan oo ku sugan tuulada Dhumay oo galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo ay Hawlo Nabadayna u joogeen, ayaa Wadahadal u furma maamullada Khaatumo iyo Somaliland ku sheegeen mid shaqsiyaad ku kooban ee aanu ahayn mid beel lagu metelayo.

Sidoo kale, Madax-dhaqameedkan ayaa Warsaxaafadeedkooda ku sheegay in la isugu yimaado shirweyne ay kaga tashanayaan aayahooda. Waxaana Xiriir ay HOL la sameysay Garaad C/salaan Xasan Maxamed oo ah afhayeenkii u hadlay odayaal-dhaqameedka uu u sheegay in go'aankaan ay isku raacsan yihiin 10 ka mid 13-ka Golaha Dhaqanka.

"Dhumay waxaan ku joognaa lix xubnood oo waxgarad ah, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Ugaas C/llaahi Ciise, dibadda ayay xaalado caafimaad ugu maqan yihiin, waana la xiriirnay oo mawqifkaas ayay nala qaateen, sidoo kale Boqor C/llaahi Axmed Cali iyo Garaad Maxamuud Mashqare Dalka ayay joogaan, balse goobta ayay ka maqan yihiin fikirkaasna waa nala qabaan," ayuu yiri Garaad C/salaan.

Dhanka kale, Mar aan wax ka weydiiney sababta ay ku diideen inay ka qayb-galaan Wadahadalka Khaatumo iyo Somaliland ayuu ku jawaabay. "Ma ahan arrin aan la soconay, mana aha mid aan wax ka ognahay, mida kale ma jirto cid bulshada afkeeda ku hadli karta oo iyadoo aan laga tashan iskeed wax u maamulan karta."

Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xili isu soo dhawaanshihii ugu weynaa uu ka muuqdo Bulshada deegaanadaas iyo Somaliland, iyadoo hadal-haynta bulshada laga dareemayo in hadalka Madaxda-dhaqameedku uu dib u riixayo hawlo badan oo la moodayay in xoogaa laga heshiiyay.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool