4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 14, 2016
Shirka Somali Global Diaspora oo Muqdisho ka furmay iyo Mas'uuliyiin hadallo ka jeediyay (Sawirro)

Axad, August 14, 2016 (HOL) — Waxaa Muqdisho ka furmay Shir-weynaha Somali Global Diasparo, waxaana ka qayb-galay ergooyin ka kala timid caalamka, iyadoo furitaankii shirkan lagu marti-qaaday Wasiirro, Xildhibaanno, hay'adaha samafalka, bulshada rayidka iyo marti-sharaf kale.

Shirkan oo socon doona saddex maalmood ah, ayaa waxaa looga hadlayaa Waxqabadka Qurba-joogta Soomaaliyeed, waxaana furitaanka shirkaan lagu soo bandhigey waxqabadka shirkadaha waaweyn ee Dalka oo Qaarkood ay Maal-gashadeen Qurbo-joog Soomaaliyeed.

Xubhii halkaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa; Sahro Shirwac oo ka timid Mareykanka, iyadoo sheegtay in Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala Firiray Caalamka daafihiisa ay yihiin kuwa ka hormariyay Bulshooyinka kale ee ay la nool yihiin sida wax qabadka bulshada iyo maali-gelinta dalalkooda, waxayna u soo jeedisay ummadda Soomaaliyeed inay isku xirmaan.

Wasiirka Arimaha Dibadda Somalia, C/salaan Hadliye oo isaguna goobtaas ka hadlay ayaa wuxuu u Mahad-celiyay intii soo qaban qaabisey shirkaan, isagoo sheegey in Dadka Soomaaliyeed lacagaha ay dalka u soo diraan ay ka badan yihiin kuwa deeqda loo siiyo Somalia, Wuxuuna u soo jeediyay Qurba-joogta Soomaaliyeed inay ka dheeraadaan qabiileysiga oo ay u soo jeestaan sidii ay dalkooda u horumarin lahaayeen.

Ugu dambeyn, Waxaa ka halday furitaankii shirka mas'uuliyiin ka kala socday Shirkadaha Dahabshiil, Hormuud SOSTEC iyo kuwo kale waxay dhamaantood u mahad-celiyay intii soo abaabushey Shirkan oo ay ku Tilaameen inuu yahay mid waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya