4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 14, 2016
Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo Booqanaya Turkiga

/images/2016/Aug/
Axad, Agoosto 14, 2016 (HOL)-Madaxweyne ku xigeenka dowladda Maraykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa in bisha danbe uu booqasho qorshaysan ku tago Turkiga ,sidaas waxaa lagu sheegay war maanta oo axad ah ka soo baxay aqalka cad ee Maraykanka.

“Waxa uu madaxweyne ku xigeenku la kulmi doonaa  madaxweyne Erdogan iyo ra’iisul-wasaare Yildirim si uu ugala hadlo xoojinta xiriirka labada wadan iyo waliba arimo muhiim ah oo quseeya labada dhinac“ ayaa lagu yiri warka  ka soo baxay dowladda.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa booqan doona wadanka Swedan inta lagu guda jiro safarkan uu ku marayo wadamo ku yaala Yurub, balse waxaa si gaar ah diiradda loogu  hayaa booqashadiisa Turkiga.

Ankara ayaa aaminsan in afganbigii fashilmay ee Turkiga uu ka danbeeyay wadaadka lagu magacaabo Fatulah Gollen oo tarxiil ahaan ugu nool dalka Maraykanka ,waxaana dowladdu ay doonaysa in dib loogu soo gacan-galiyo.

Ugu  danbayn , Biden ayaa noqonaya mas’uulkii ugu sareeyay oo booqnaya dalka Turkiga tan iyo markii uu dhacay afganbigii fashilmay ee bishii hore,waxaana madaxweyne Erdogan uu reer galbeedka ku eedeeyay in ay wax ka ogaayeen shirqoolkii loo dhigay xukuumad-diisa.

Faysal M.Hassan
[email protected]