4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 14, 2016
HARGEYSA: Ciidamada oo Joojiyay Bandhig ay Qaban lahayd Fanaanadda NASTEEXO Indho


Axad, August 14, 2016 (HOL) — Ciidanka Amniga Somaliland ayaa xalay ka hor joogsaday bandhig faneed ay Hargeysa ku qaban lahayd Fanaanadda caanka ah ee Nasteexo indho oo ay ku wehelinayeen fanaan kale oo reer Hargeysa ahi.

Sida wararka tibaaxayaan waxa amarka joojinta bandhig faneedka lahaa wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo guddida wanaag farista iyo xumaan reebista, kuwaas oo amray inaan fanaanadaasi bandhig faneed dhigi Karin, waxaana lagu eedeeyey in culimadda magaaladda Garoowe hore ugu diideen in magaaladooda ay fanaanadda Nasteexo indho ku dhigto wax bandhig faneedda.

Inkastoo la isku dayey in bandhigaasi suurogalo, isla markaana xidhiidho badan lala sameeyey wasiirka Arrimaha gudaha Cali Waran-cadde iyo Taliyaha Ciidnka Boolisa C/laahi Fadal, haseyeeshee waxa ganafka ku dhuftay wasiirka Diinta iyo Awqaafka oo ka soo horjeestay in bandhigaasi sidiisa u dhaco.

Wararku waxay intaas ku darayaan in sababta loogu diiday ku salaysan tahay in culimadda Garoowe hore ugu diideen Fanaanad Nasteexo Indho inay wax bandhiga ah ku dhigto Puntland, waxaana guddida wanaag farista u gudbiyeen dad ka soo horjeeday Fanaanadan muuqaalo ay fanaanaddu heeso iskaga soo duubtay iyo muuqaaladdii culimadaasi Puntland kaga hadlayeen sababta ugu diideen in Garoowe loogu dhigo bandhigan, ka dibna ay guddida wanaag farista iyo wasaaradda diinta iyo Aw qaaftu amar ku soo saareen in bandhigaasi la joojiyo.

Fanaanadda Nasteexo Indho oo maalmihii u dambeeyey magaaladda Hargeysa ku sugnaa, isla markaana toddobaad ka hor HOteelka lagu qabanayey la sii balansaday ayaan hore loogu wargalin mudadii ay joogsaday in aan wax bandhiga la ogolayn, haseyeeshee isla habeenimadii la qabanayey dadkiina doonayeen inay tikidhaddii goostaan ayaa amar deg deg ah lagu soo rogay in aan wax bandhig ah lagu qaban Karin hoteelka Crown oo ballantu ahayd in bandhigaasi ka dhacayo, taaasina waxay qaadan waa ku noqotay dadkii hawshan toddobaadka ku gudda jiray oo aan hore uga baran amar caynkan oo kale ah oo fanaaniin ku qabanayaan bandhig faneed in la joojiyo.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay ee magaaladda Hargeysa laga joojiyo bandhig faneed lagu qaban lahaa, iyadoo wakhtiga lagu jiro xagaagii oo qurbo joogii ugu badnaa wadanka ku soo laabtay, kuwaas aad u xiiseeyay madadaalooyinka fanaaniintu ku qabtay magaaladda Hargeysa oo aad loo buuxiyo, Toddobaadkii hore uun bay ahayd markii ay bandhig faneedka ku qabanayeen fanaanka Axmed Biif iyo Maxamed BK .

Illaa hadda wax jawaab ah oo rasmiya kama bixin wasaarada Diinta iyo Aw qaaftu sababta Bandhig faneedkan loo joojiyey, waxaana la dhawrayaa waxay kaga jawaabaan dhacdadan oo dadka fanka jecel aad uga xumaadeen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland