4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 14, 2016
Imaam masjid iyo ku xigeenkiisa oo lagu dilay Mareykanka

Axad, Agoosto 14, 2016 (HOL)-Imaam masaajid iyo kuxigeenkiisa ayaa lagu toogtay oo lagu dilay Mareykanka gaar ahaan magaalada New York.

Imaamka iyo ku xigeenkiisa ayaa salaad kasoo baxay ayagoo kusoo tukaday masaajidka kuna sii jeeday guryahooda markii la dilaayay.

Nin dabley ah ayaa la sheegay inuu ka dabayimid oo uu raggaa toogasho ku dilay. Weli majirto xaqiijin kusaabsan sabab cad oo loo dilay raggaa balse waxaa jira warar sheegaya in Islaam nacayb ay tahay.

Imaamka la dilay ayaa kasoo jeeda dalka Bangladesh. Markii hore ayay dhaawacmeen laakiin isbitaalka ayay ku go'een markii la geeyay.

In dhawaaleba Mareykanka iyo meelo badan oo caalamka ah waxaa kusoo badanaayay dilalka aan la garaneyn ujeedkooda ee toogashada ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
warsame@hiiraan