4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 14, 2016
Maryan Nuux oo u ordeysa Soomaaliya oo ugu dambeysay orodkii shalay

Axad, Agoosto 14, 2016 Maryan Nuux Muuse oo u ordeysay Soomaaliya ciyaaraha maradoonka ee Rio ee Barazil ayaa ayadu markii ugu dambeysay ka gudubtay mardinka dhammaadka orodka.

Inkastoo ay ugu dambeysay dadkaa orodkaa ku tartamay hadana waxay u ahayd dad badan oo Soomaaliyeed dhiirrigalin inayba Soomaaliya u matalayso ciyaarahaa ayada iyo wiil weli tartankiisa la filaayo marka ugu horeysa.

Labadaa ayaa calanka u wada Soomaaliya ayadoo dalka Soomaaliya uusan ka qebqaadan ciyaaraha caalamka muddo dheer oo uu dagaal ka jiray haatana uu soo noolaanayo dalku oo uu saaxada caalamka ee tartamada dib ugu soo noqonaayo.

Maryan shalay ayay ka qeyb qaadatay ciyaaraha gabdhaha ee 4ta boqol ee mitir ayadoon isdhigan balse intii karaankeeda ah isku dayday inay dhammayso orodka haba ugu dambeysee!

Waxay gashay booska 57 ee 57 qof oo tartankaa ka qeybqaadanaayay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]