4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2016
Maamulka Gobolka HIiraan oo Maanta xabsiga u taxaabay wariye Cali Daahir Xeroow (Cali Kuluc)


Sabti, August 13, 2016 (HOL) — Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Galinkii danbe ee maanta xabsiga u taxaabay wariye Cali Daahir Xeroow [Cali Kuluc] oo muddo dheer ka mid ahaa bahda Warbaahinta gobolka Hiiraan.

Suxufigaan la xiray ayaa markii ugu danbeysan ka mid ahaa wariyayaasha Idaacada Bar-kulan, isagoo dhinaca kale ka tirsanaa wasaarada warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Cali Kuluc looga yeeray xarunta nabad-sugida kaddibna xabsiga la dhigay, illaa haddana ma jirto cid ka hadashay xariggiisa, haddii ay ahaan lahaayeen mas'uuliyiinta maamulka gobolka iyo saraakiisha ammniga intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  
Beledweyne, Soomaaliya