4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2016
Qurbo-joogta Soomaaliyeed kaalin weyn ayay ku leeyihiin horumarka ka socda Dalka: Goob-doon

Sabti, August 13, 2016 (HOL) — Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Somali Global Diasparo, waxaa shirkaan ka qayb-galaya ergooyin Caalamka dacalladiisa ka kala yimid, kuwaasoo intuu socdo shirkan uga doodi doona kaalinta qurbo-joogta Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan Horumarka guud ee dalka.

Mustaf Bashiir Goob-doon oo oo ka mid ah xubnaha ka Qayb-galaya shirkan Qurbo-joogta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dibadda ay qayb ka yihiin Horumarada Somalia ka socda, gaar ahaan Dhinacyada Caafimaadka iyo Waxbatshada, isagoo u soo jeediyay Shacabka Soomaaliyeed in ay Wax-is-taraan ayna isku kalsoonaadaan.

Sidoo kale, isagoo ka hadlayay shirka ayaa wuxuu ka hadlay hawlaha samo-falka ah ee ay dalka ka wadaan, isagoo yiri. "Samafalka waxaa bilaabay horraantii Sanadkii 2001-kii, waxaana sameeynayay Wacyi-gelin ku Aaddan in Qaxootiga Dalka Switzerland tagaya oo ay Soomaalidu ka mid tahay."

Isagoo faahfaahinayay wacyi-gelin ay sameeyeen oo cudurka HIV/AIDS-ka la xiriirtay, wuxuuna yiri. "Ujeeddada loo qabtay Wacyi-gelintaas, waxay ahayd maadaama Somalia aysan ka jirin ha'yado howshaas wax ka qabta iyo Tiro-koob ku aaddan xanuunkan oo aan weli laga sameeyn Somalia, Xanuunkana uu sii faafayo. Mar aan gaarnay Somaliland Waxaan heshiis la gaaray Hay'ada Swiss & hay'ada Hargeysa Youth Voluntry (HAVAYCO) oo magaca Hornafrica Youth Voluntry ku shaqeysa, Waxaana Heshiiskaas soo dhaweeyay Bulshada oo baahi weyn u qabay wacyi-gelinta xanuunkan."

Sidoo kale, wuxuu xusay inay xilligaas kaddib soo gaareen Koonfurta Somalia si dadka ku nool ay u helaan kaalmada Hay'adda SWISS, Muqdisho iyo Marka ayaana tagnay, Waxaana Siminaaro wacyi-gelin ahaa ku qabatay Somalia iyo Somaliland, sida; Berbera, Burco, Boorama, Muqdisho iyo Marka, kuwaas oo socday illaa sannadkii 2003-dii.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in haweeynadii lagu dilay magaalada Marka oo lagu magacaabi jiray Verena Karrer sanadkii 2002-dii in si aad ah looga naxay waayo waxay Marka ka hirgalisay dugsiyo, isbitaallo, iyadoo Kaalmeyn jirtay dadka dan-yarta ah.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya