4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2016
SAWIRRO: Madaxweyne Siilaanyo oo xariga ka jaray Waddada Kala-baydh iyo Dilla u dhexeysa

Sabti, August 13, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta xadhiga ka jaray waddo dhererkeedu dhan yahay 21Km taas oo isku xidha Gabilay iyo Awdal.

Xaflad ballaaran oo lagu qabtay geedaha ay caanka ku tahay Dila, ayaa waxa isugu yimid masuuliyiintii uu hogaaminayey madaxweyne Siilaanyo, waxaana masuuliyiinta weftiga ka mid ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye, wasiiro, xildhibaano, taliyeyaasha ciidamada qaarkood, iyo masuuliyiiin kala duwan, oo ay ku jiraan kuwa gobolada Awdal iyo Gabiley, madaxdhaqameed iyo Dadweynaha degmada Dila.

Masuuliyiinta meesha ka hadashay ayaa sheegay in Hargeysa iyo Boorama saacado badan oo dhibaato badan loo kala socon jiray, haseyeeshee ay imika jidkan dheer fududeeyey tagitaankii Boorama.

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay dhinacooda Masuuliyiinta Madaxweynaha weheliyey kana mid ahaayeen Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Cirka, Wasiirka Qorshaynta qaranka iyo Horumarinta, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Maareeyaha hay’ada wadooyinka, iyo Gudoomiyaha ahna murashaxa Xisbiga Kulmiye.

Waxayna mas'uuliyiintaasi sheegeen in horumarinta wadooyinka iyo guud ahaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo waxqabadka kale ee dalkuba yihiin waxa ay ku taamayso xukuumadda uu hogaaminaayo Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, halkaana laga sii wadi doono horumarinta iyo dib u dhiska dalka, isla markaana ahayd qorshihii xisbiga Kulmiye, ku soo galay saaxada maamulka dalka.

Mr. Michael oo ku hadlayey magaca sanduuqa horumarinta Somaliland oo ah sanduuq ay wada jir u maalgeliyaan dawladaha Norway, Denmark, Holland iyo Boqortooyada Ingiriiska, isla markaana maalgelinta jidkan, ku wehelinayey dawlada Somaliland, ayaa sheegay qiimaha dhaqaale iyo wakhti ee uu jidkani soo kordhinaayo, iyo sida uu jidkani u yahay mid halbeeg ah (Standard), waxanu ka mahadnaqay wada shaqaynta fiican ee ka dhaxaysa Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF iyo xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Mudane Axmed Silaanyo.

Madaxweynaha oo gunaanadkii xaflada ka hadlay ayaa ugu horaynba u mahadnaqay masuuliyiinta iyo shacbigii ku soo dhaweeyey halkaasi, isagoo raaciyey intaa in wadooyinku ay yihiin halbowle dhaqaale, isla markaana ay qayb weyn ka qaataan isku xidhka dadka iyo maalkaba, ahmiyad gaarana u leeyihiin dadka maraya jidadka, iyadoo taa laga duulayana kuwa la dhisay uun maahee kuwo kalena la dhisi doono, kuwa socdana la dhamaystiri doono.

"Waxaynu dhisanaynaa dhulkeena waynu qabyo tiraynaa jidadkeena, waan isku tashanaynaa ciidii inagu gacan siisana waan uga mahadnaqaynaa, gaar ahaan, Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) iyo dawlahada inagu taageeraba. Hase ahaatee noqon mayno kuwo mucaawimo uun suga, ee inagaa dhexdeena guntanayna oo gacmaha isu-qabsan doona si aynu horumr la taaban karo u gaadhno"ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland