4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2016
MADAXWEYNAHA: Danjire Dayib Dubad Rooble Dadaal ayuu geliyay Taageerada Somalia (SAWIRRO)


Sabti, August 13, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qado sagootin ahayd ugu sameeyay Danjiraha Jabuuti u fadhiya Somalia, Dayib Dubbad Rooble oo uu Waqtigiisu dhammaaday.

Xasan Sheekh ayaa ku amaanay Danjire Rooble Waxqabadkiisa iyo Dadaalkii uu u galey taageerada Soomaaliya, Wuxuuna yiri. "Xiriirka Somalia iyo Jabuuti oo weligiiba ahaa mid aad u wanaagsan, ayaa gaaray heerkiisii ugu Sarreeyay Muddadii toddobada sanno ahayd ee Danjire Dayib uu ku sugnaa Soomaaliya. Wuxuuna Somalia ka shaqeynayey xilli adag, illaa haatana wuxuu si dhow ula shaqeeyaa Somalia. Waxaan u mahad-celinayaa Madaxweyne Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacabka Jabuuti oo gartay inay inoo sooo Xulaan shaqsi daacad ah oo dadaal badan Soomaaliyana wax weyn u qabtay,'' ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xafladda hadiyad ku guddoonsiiyay Danjire Dayib Dubbad Rooble, isagoo u rajeeyay inuu Alle u fududeeyo xilka cusub ee uu safiirka kaga noqonaya dalka Qatar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Dr C/salaan Hadliye Cumar iyo Wakiilka Jaamacadda Carabta u fadhiya Somalia, Mohamed Abdalla Idris, oo iyaguna munaasabadda ka hadlay ayaa xusay dadaalka iyo shaqada wanaagsan ee Danjire Dubbad uu ka qabtay Soomaaliya.

Danjire Dayib Dubbad Rooble oo xafladda Qadada ah ka hadley ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu noqdo isku xiraha labada waddan ee Walaalo ah toddobadii sanno ee lasoo dhaafay, isagoo xusay inuu sii wadayo Dadaallada iyo garab-is-taagga shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa ku-simaha RW, ahna Wasiirka Cadaaladda C/llaahi Axmed Jaamac, Xubno ka Tirsan Xukuumadda Somalia, Taliyaha Ciidamada AMISOM, Jen. Cusmaan Subagle, Danjirayaasha Waddamada shisheeye u fadhiya Somalia iyo Mas'uuliyiin kale.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya